Xaalada Magaalada Dhuusama reeb oo degan Kadib dagaal xalay ka dhacay
Muqdisho-MMedia-xili magaalada dhuusa mareeb ay xaaladeeda tahay nid hada degan ayaa waxaa guulo laga kala sheegtay dagaalkii cuslaa ee halkaasi ku dhex maray culumaa,udiinka ahlu sunna waljamaca xarakada al shabaab.
afhayeenka dhinac howlgalada ee xarakada al shabaab sheekh cabdi casiisa abu muscab oo la hadlay idaacada ku hadasha afka xarakada al shabaab ayaa waxa uu sheegay in guulo la taaban karo ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen ahlu suna waljameeca sida uu hadalka u dhigay afhayeenka xarakada al shabaab.
afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalkii ay ku qaadeen magaalada dhuusa mareeb ay ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen islamarkaana ay jiraan qasaaro ba,an oo ay u geysteen ciidamada ahlu suna waljameeca askarna ay ka dhaawaceen kuwona ay ka dileen waa sida uu yiri goor dhowna rira koobka askarta ay dileen aysoo bandhigi doonaan.
dhinaca kale saraakiil ka tirsan ahli suna waljameeca ayaa iyagana sheegay in dagaalkii dhuusa mreeb ay guulo ka gaareen islamarkana jab xoogan ay ugeysteen xarakada al shabaab sida ay sheegeen iyagoona tilmamay in ay iska caabiyeen dagaalkii ay ku soo qaadeen fariisimahooda dhuusa mareeb xarakadaal shabaab.
dagaalkii ka dhacay magaalada dhuusa mareeb ee gobolka gal gaduud ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday tiro ku dhow shan iyo toban ruux inka badana waa ay ku dhaawacmeen.
inkastoo xaaladu saaka ay degan tahay ayaa magaalada waxaa gacanta ku haya ciidamada culumaa,udiinka ahlu sunna waljameeca sida dadka deegaanku ay sheegayaan in ciidanka ahlu suna ay difaac xoogan kaga jiraanm duleydka magaalada.
waxaana saaka magaalada dhuusa mareeb ka socda barakac baahsan oo ay sameeynayaan dadka magaalada iyagoo ka cabsi qaba in markale halkaasi ay ku dagaalamaan labada dhinac ee xalay iyo shalay halkaasi isku farasaaray.
waxaana la ogeyn xaalada magaalada dhuusa mareeb ee gobolka gal gaduud halka ay ku dambeyn doonto.
Ibraahim Guudle Isxaaq
Maakhir Media Network
