|

War Saxaafadeed Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii is-qarxinta

(Muqdisho-MMeid-

4 Oktoobar 2011) Xukuumadda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa qarax maanta lala beegsaday dhisme ay ku yaallaan dhowr wasaaradood, halkaasoo uu naftii-hallige ku dilay illaa 15 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 20 qof.

Dadka dhintay ama dhaawacmay waxay u badnaayeen ardey iyo waalidiin sugayay natiijada deeqo-waxbarasho oo ay bixineysay Wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo dad socday jidka.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumadda oo halkaasi wax ku noqday ma jiro.

Weerarkan wuxuu muujinayaa in khatarta ka imaaneysa argagixisada aysan weli dhammaan oo ay jiraan dad weli doonaya inay carqaladeeyaan horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada.

Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay dadkoodu geeriyoodeen, waxayna u rajeyneysaa kuwa dhaawacmay inay deg deg u soo kabtaan.

Wixii warbixin ee soo kordha waan idinla soo socodsiin doonnaa.

DHAMMAAD

Name:Ibraahim guudle isxaaq
guudle yare

Maakhir Media Network

Comments are closed