|

Jamaacada Admas ee Magaalada Hargaysa oo Maanta shahaado Gudonsisay Arday iyo Maamulo Iskuul

Hargaysa-MMedia-Munaasibadan oo ahayd  mid si heer sare ah loo soo agaasimahay waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada hawalaha guud iyo guriyeynta ismaaciil muumin aar wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta axamed xaashi oday agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada  maxamed cabdi balaydh,madaxda iyo masuuliyiinta jaamacada admas university ,arday k qalin jabinaysay kooraskan barashada maaliyada ee bankiyada islaamiga ah kaasi ay ay arday ku barteen habka loo maamulo una shaqeeyaan bangiyada islaamka ee ka fog ribada iyo dulsaarka,ardaydan  maanta ka qalin jabisya jaamacada adhmas ee dhameeyey kooraskan qaaban ee mudada bisha ah uga socday halkaasi waxaa ay tiradoodu ahayd 130 arday .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay madaxwayne ku xigeenka jaamacada adhmas axmed xasan xaaji (axmed naasir) oo sharxaad ka bixiyey aasaaskii  jaamacada waxaanu xusay in jaamacadu ay kaalinta koowaad ka gashay jaamacadaha ku yaal dalka itoobiya labadii sano ee ugu danbeeyey,waxaanu sidoo kale xusay in jaamacadu ay bixisay deeq waxbaraho oo  la siisay 15 arday ee ugu sareeya imtixaanka dugsiyada sare ee dalka .

waxaa iyan sidoo kale halkaasi hadalo ka soo jeediyey wasiirka wasarada hawlaha guud ismaaciil muumin aar iyo wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta axmed xaashi oday oo dhamaantood u mahad caliyey madaxda iyo masuul

Ugu dabayntii waxaa noo suurto gashay in aan wax ka waydiino dareenkooda qaar ka mid ah ardayda ka qalin jabisay kooraskan iyagoo sheegay in aad ugu faraxsanyihiin in maanta qalin jabiyaan.

Maakhir Media Network

Comments are closed