Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Somaliland”Dadkii Ajinabaiga ahaa waan ka saarnay inta badan Gobolada 70%
Hargaysa-MMedia-Shir jaraa’d oo ay maant qabteen Gudigii loo saaray in ay ka saaraan dadka sharci darada ku jooga Gobolada Somaaliland waxaana ay ka hadleen halka ay u marayso hawshii xukmadu u xilsaartay iyagoo shegay in ay inta badan ka saareen Dalka dadkii ajinabiga ahaa .
shirkaasi jaraaid waxaa goob jog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Gudaha iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex, Maayirka magaalada Hargaysa iyo Taliyaha Laanta Socdaalka, waxaana masuuliyiintaasi ay ka hadleeen in ay manta tahay maalinti ugu danbaysay ee loo qabtay dadka Sharci darada ku jooga in ay uga baxaan gabi ahaanba dalka oo dhan.
Taliyaha Laanta socdaaka dayib cismaan ayaa faah faahin ka bixiyay daabulka dadkan Sharci darada ah ee laga saarayo dalka iyadoo ay dadkani sixad dhaaf usoo galeen Dalka waxaana uu sidoo kale ka hadlay in ay meel wanaagsan u marayso daabulida dadkani oo ay dalka ka baxeen 70% ,marka laga reebo in yar intaasina ay ku hadhay beeraha iyo meela kale hase ahaatee ay daabulidonaan waxaa kaloo uu sheegay in ay manta tahay maalintii ugu danbaysay ee loo qabtay dadka oromada ah in ay kaga baxaan dalka oodhan.
Ugu danbaytii waxaa halkaasi sidoo kale ka hadlay wasir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Ee Somaliland Cismaan Garaad Soofe waxaana uu ka hadlay arima badan oo ku saabsan dadka oromada ah ee ku sugnaa dalka Somaliland in ay ka baxaan maantana ay tahay maalintii ugu danbaysay ee loo qabtay kadibna la doonayo in qasab lagaga saaro.
Masuuliyiintii dhamaan shirka ka hadlaysay ayaa isku raacay in dadka sharci darada ah ee dalka ku sugan ay ka bixi donaan iyado sidoo kalena ay sheegaan in ay sharci samaysantaan ay dalka ku oogaan waxaa kaloo ay sheegeen inta ku hadhay ee sharci darada ku joogtaana ay ka bixi doonaan dalka sida ugu dhakhsaha badan.
Dawlada Somaaliland ayaa dhawaan soo saartay go’aan ay dadka ajinabiga ah ee dalka ku sugan kaga baxayaan wixii aan sharci haysan iyadoo ay dadkaasina u badnaayeen Oromo aad usoo buux dhaafsiay magaaliyinka waawayne ee ay kamid tahay magaalo madaxda Hargays a ee Somaaliland,Taasi oo ay manta ku began tahay maalintii loo qabtay in ay dalka kaga baxaan ,sidio kalena ay shegeen masuuliyinatani in dadka sharci darada ku jooga Somaaliland ay si deg dega uga bixi doonaan.
Maakhir Media Network
