|

Faah faahin kasoo baxaysa Qaraxii ka dhacay maanta Muqdisho+Sawiro

Muqdisho-MMedia-Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax is halignimo ah oo goor dhow ka dhacay xarunta Hargaha iyo Saamaha oo iyadu ku taala inta u dhaxaysa KM4 iyo Isgoyska Zoobe .

Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaasi oo ahaa mid loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka qaada ah oo Soomaalidu ay u taqaan UD waxaana wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo goobtaasi gaaray ay so sheegayaan in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan Kontomeeyo.

Dadka goobta ku geeriyooday ayaa waxaa u badan Arday kuwaasi oo iyagu saakay u aaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sarre oo ka mid ah Wasaaradaha degan dhismaha Hargaha iyo Saamaha inay kasoo ogaadaan Natiijada Imtixaanaad ay galeen oo lasoo dhejiyey waxaana ilaa hada la heyn tirakoobka rasmiga ah ee Ardayda goobta ku geeriyootay.

Dadka sidoo kale ku dhintay goobta waxaa ka mid ah dad saarnaa gawaari rakaab ah oo xiligaasi mareysay wadada laamiga ah iyo dad iyana sidoo kale goobo ganacsi ku lahaa hareeraha dhismaha Harkaha iyo Saamaha oo ah goobta Qaraxan lala bartilmaameedsaday.

Dhanka Mas’uuliyiinta Dowladda ee goobtaasi ku sugnaa ee ilaa hada la xaqiijiyey in goobta uu qasaare kasoo gaaray waxaa kaliya oo la sheegay in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha uu goobta kasoo gaaray dhaawac .

Gaariga qaraxa geystay oo ah gaari UD ah ayaa gebi ahaanba bur buray lamana oga ilaa iyo hada tirada dadka naftooda ku haligay goobtaasi inta ay la ekeyd maadaama gaarigii qaraxa lagu fuliyeyba uu bur buray gebi ahaanba waxaase la sheegay in gaariga Qaraxa geystay ay sidoo kale saarnaayeen Fuustooyin Shidaal iyo Saliid oo waxyaabaha qarxa lagu soo hoos qariyey si ay dab usii dhaliyaan qasaaruhuna u kordho taasi oo muujineysa sida ay Khawaarijtu u raadiyaan wax walba oo ay dadka ku leyn karaan.

Radiomuqdisho

Maakhir Media Network

Comments are closed