|

Al-Shabab oo Dib looga xoreeyay Dhuusa mareeb

Dhuusa mareeb-MMedia-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in ay ciidamada ahlu suna ay la wareegeen magaaladaasi iyagoo dagaal culus la galay  Ururka Alshabab oo iyagu saacada ka hor  qayba kamida magaalada gacanta ku hayay.

dagaal rogaal celis ah oo ay qaadeen Ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxaa u suuro gashay inay dib ula wareegaan degmadaasi oo markii horey weerar gaadmo ah ay ku qabsadeen qeybo ka mid ah bariga Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada Al Shabaab.

Gudoomiye Axmed C/laahi Max’ud Aaya warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in ay dagaalkii caawa guula ka gaadheen isla markaana la dagalaamay kooxda Al shabaab ,Gudoomiye Ku xigeenka ayaa waxaa uu Sidoo kale sheegay in maadaama ay habeen tahay aan la’ogaan karin qasaaraha  hase ahaatee dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 5-ruux halka 7-kalana ay ku dhaawcmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah, waxaana si dhab ah aan loo ogaan karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Saacado ka hor ayay ahayd markii ciidamada Al shabaab ay gaadmo ku soo qaadeen  ciidamada ahlu suna kadibna ay kula wareegeen magaalada dhuusa mareeb qaybtee  waxaa sidoo k ale islaa caawa la wareegay goobihi laga qabsaday ciidamada ahlu suna.

Maakhir Media Nework


Comments are closed