|

Baarlamanka Somaliya oo ka dooday Sharciga Bada Somaliya

Muqdisho-MMedia-Barlamanka KMG Soomaailya ayaa maanta mar kale waxa ay ka doodeen iibsiga badda, iyadoo qaar ka mid ah Mudanayaasha barlamanka ay dhaliileen Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG ah.

Maalintii labaad ayaa Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa isugu yimid inka badan 300, oo Xildhibaan kuwaasi oo ka doodayay iibsiga badda Soomaaliya oo qeyb ka mid ah lagu eedeeyay inay ka iibisay dalka Kenya Xukuumaddii uu hoggaaminayay Cumar C/rashiid Cali Sharkam’arke.

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in badda Soomaaliya ay si toos ah qey ka mid ah u iibsatay dowladda Kenya, isagoo xusay in uu hayo Dikuminti cadaynaya arintaasi islamarkaana uu ku wareejin gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya.

Xildhibaan Muuse Nuur Amiin oo ka mid ah qubarada ku taqasustay Cilimiga badaha ayaa waxaa uu sheegay in badda Soomaaliya uu dhererkeedu gaarayo (3,300 –KM, SC) taasi oo uu sheegay in aqoonsi Caalami ah ay heshay sanadkii 1982-dii islamarkaana ka mid noqotay Soomaaliya wadamada saxiixay heshiiska loogu magacdaray EEZ-ka, waxaana sidaasi daraaded uu carabka ku adkeeyay in biyaha Soomaalia aysan jirin cid iibsan karta damacna ka gali karta.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in arrimahaani soo noq noqday ay gadaal ka riixayaan dowladda Kenya iyo Shirkado kale oo laga leeyahay Norway, isagoo ku tilmaamay Shirkadahaasi kuwa aan waxba soo kordhin Karin.

Gudoomiyihii hore ee barlamanka KMG Soomaaliya haatanna ah Mudane ka tirsan barlamanka KMG Sheekh Aadan Max’ed (Aadan Madoobe) ayaa waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dalka Soomaaliya oo ah dal xor ah islamarkaana ku jira Qarmaada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Urur goboleedka IGAD haatan shaki la galiyo Biyaha dalka Soomaaliya.

Aadan Madoobe ayaa waxaa uu xusay in aritnaani la xiriirta badda Soomaalia ay lug ku lee yihiin qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah sidaasi darteedna, waxaa uu soo jeediyay in la dhiso guddi ka kooban barlamanka iyo Xukuumadda si xal looga gaaro arintaani soo noq noqatay.

Gudoomiye ku xiggeenka koowaad ee barlamanka KMG Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo gaba gabadii kulankaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in doodaani ay socon doonto ilaa laga gaaro xaal ka dambeys ah, isagoo si wayn u dhalilay hoggaanka ugu sareeya dowladda KMG Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in uu ku lug leeyahay wararka sheegaya in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya laga iibiyay Kenya.

Sidoo kale gudoomiye ku xiggeenka barlamanka ayaa waxaa uu dhaliilay Idaacadda ku hadasha Afka dowladda KMG ah taasi oo uu tilmaamay inaysan kasoo bixin booskii looga talagalay.

Sikastaba ha’aahaatee doodaani maalintii labaad ka dhacday Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaanada waxaa ay si saraxad leh uga doodayeen qodobka ku aadan in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya laga iibiyay dowladda Kenya taasi oo ay Xildhibaanada isku aragti ka yihiin ka hor imaanshada iibsiga badda Soomaaliya.

Shabelle

Maakhir Media Network

Comments are closed