|

Haweenay Somaliah oo lasoo tagi doono Maxkadmad Dalkaasi maraykanka ku Taala

Minnesota-MMedia-Haweeney u dhalatay dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyey in ay dhaqaale u diri jirtey urur argagixisada  ah oo ka dhisan dalka Soomaaliya Ee Al Shabaab ayaa maanta maxkmad ku taala gobolka Minnesota Lasoo taagi doonaa.

Haweenaydan ayaa lagu eedeeyey in ay ku boorisey kuwa sadaqadda la baxa in ay iska ilaawaan ururada gargaarka ee ay diirada saaraan “Jihaadka”, waxaana ay lacag ku taageertey sida lagu eedeeyey nimanka Soomaaliyeed ee u safra Soomaaliya si ay uga jihaadaan halkaas.

Amina Faarax oo ah 34 jir ayaa dacwad oogaha maxkmadda maanta la soo taagayo sheegay in la hayo caddeymo ka dhan ah Amina Faarax iyo gabadha kale ee denbiyada loo hasto Aamina wax kala wadaagta Xaawo Maxamed Xassan oo da’deedu tahay 64 jir.

Labadan Gabdhood ayaa haysta dhalashada dalka Maraykanka waxaana ay degan yihiin magalada Rochester ee gobolka Minnesota.

Aamina Faarax Cali ayaa lagu eedeeeyey in ay koox argagixiso ah u dirtey lacag dhan $8,600 mudadii u dhexaysey September 2008 – July 2009, Denbi oogaha ayaa ku doodaya in gabdhahani ay garaaci jireen albaabada dadka Soomaalida ah si ay dhaqaale u ururiyaan, sidoo kale waxa ay qaban jireen Shir dhanka telefoonka ah.

Gabdhahan Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba dafirey eedaymaha loo jeediyey, waxaana ay ku doodayaan in xiligaas ay taagerayeen sidii ciidamada Itoobiyaanka Soomaaliya looga saari lahaa taasna waxaa ku jirey dad badan oo uu kamid yahya Madaxweynaha hadda talada haya ee beesha caalamku taageersan tahay, mana ahayn wax denbi ah waagaas.

Denbiyada lagu soo eedeyey haddii ay ku cadaadaan waxa ay qarka u saaran yihiin in lagu xukumo ugu badnaan 15 sano oo xabsi ah.

Somalida ku dhaqan dalka Maraykanka aya inta badan lagusoo eedyaa inay ka danbeeyaan  tageero ay u fidiyaan ururka alshaab oo Maraykanku u aqoonsanyahay urur argagixiso oo xiririir laleh Al Qaid kaasi oo ka jira Dalka Somaliya.

Comments are closed