|

Siyaasinta Xisbiga UDUB”Dawladu yaanay ku faanin wixii aanu dhisnay markii anu dawlada hayn

Hargaysa-MMedia-Qaar ka mida Siyaasiyiinta Xisbiga udub  oo manta shir-jaraa’id ku qabtay Hoteelka Crown ee Magaalada Hargeysa ayaa jawaab adag ka bixiyay Eedaymo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay Siyaasiyiin Xisbigaasi ka tarsan.

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo gurkiyaynta Siciid Sulub oo ka mid ahaa siyaasiyiin uu dhawaan Madaxweynuhu sida gaar ah u duray iyo Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud oo ay hareero fadhiyeen Xubno kale oo Xisbigaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxay siyaabo kala duwan uga hadleen Siyaasada Gudaha iyo Dibada ee Xukuumadda Talada Haysa.

Waxaanay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku fashilantay horumarinta Siyaasada Arrimaha gudaha iyo tan dibadaba, isla markaana qaar ka mida Gobolada wadanka oo Xiligii ay Xukuumadda udub talada haysay gacanta Somaliland ku jiray ay hada faraha ka baxeen.

Siyaasiyiinta Xisbiga udub ayaa  sidoo kale  markii ugu horaysay Daboolka ka qaaday inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku faanto waxqabadyadii Xukuumadda udub, halkii bay yidhaahdeen laga filayay inay wax cusub soo kordhiyaan.

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada Maxamuud Siciid Maxamed oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha  Xukuumadda Somaliland ku fashilantay ee ay ku eedeeynayaan.

Wasiirkii hore ee Hawlaha guud iyo Guriyeynta ee Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale ayaa isaguna jawaab ka bixiyay eedeymo Musuqmaasuq  oo uu  dhawaan Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay ku kacay balse laga saamaxay, waxa anu carabka ku adkeeyay inuu Diyaar u yahay in baadhis musuqmaasuq oo dhexa in lagu lagu sameeyo, hadiiba uu lagu haysto inuu lunsaday Hanti Umadeed.

Siciid Sulub waxa kale uu sheegay  Xukuumadda Somaliland, Golaha Wakiilada iyo Asxaabta Mucaaridkuba inay   ka masuul ka yihiin  Shir beeleedyada ay Beeluhu kaga shirayaan Saluugyada Siyaasadeed ee ay qabaan.

Waxa kale uu  carabka ku adkeeyay inuu Madaxweynuhu Dulqaadyeesho, isla markaana Xukunkiisa Waafajiyo haylalka Madaxtinimadda iyo inay mawaadiniintu u sinaadaan cida Hogaanka dalka haya.

Hadalkana ayaa jawaab u noqonaya hadal uu isna ka jawabay madaxwaynaha Somaliland Axmed silaanyo kaasi oo ay xisbiyada udub iyo ucid ay ku maageen madaxwayanaha  isagoo kaidban aka jawaabay waxaa  kaloo manta xisbiga udub ay kasii jawaabeen hadalkii habeenkii dhawayd ee uu madaxwaynuhu saxaafada la hadlay .

Maakhir Media Network

Comments are closed