Dhakhaatiir Ajinabi ah oo Hawlo Caafimaad ka Bilaabay Garowe.
Garowe-MMedia-Waxaa maanta si rasmi ah uga bilawday cusbitaalka guud ee magaalada Garowe hawlo caafimaad oo ay fulinayaan 15 dhakhtar oo ajnabi ah kuwaasi oo isugu jira Kenyan, Turki iyo British, waxaana xusid mudan in dhakhaatiirta Britishka ah ay ku soo biireen shaqada gelinki dame ee maanta Isniin 3.10.2011.
Hawlahan caafimaad ee ay fulinayaan dhakhaatiirtan ajnabiga ah ayaa ah daboolida faruuryaha, waxaana ka faa’idaysanaya dad kor u dhaafaya 300 oo qof oo isaga kala yimi dhamaan gobolada Puntland, waxaana gurmadkan dhanka caafimaadka ah gacan ka gaysanaya shaqaalaha wasaarada caafimaadka ee Dowlada Puntland iyo kuwa ka hawlgala cusbitaalka guud ee magaalada Garowe.
Dhakhaatiirta ayaa gelinki hore bilaabay baaritaano dhanka caafimaadka guud ah oo lagu samaynayo dadka lagu samaynayo qaliinka dhanka faruuryaha ah, waxayna gelinki dambe ee maanta oo Isniin ah bilaabeen daboolida faruuryaha.
Waxaa horay deegaanada Puntland hawlo caafimaad oo noocaani oo kale ah uga fuliyay dhakhaatiir ajnabi ah oo ka yimi wadanka Turkiga, waxaana wasaarada caafimaadka ee dowlada Puntland dadaal ugu jirtaa sidii looga haqabtiri lahaa bulshada baahiyo caafimaad oo lacag la’aan ah.
Faduma Abdurasak
Maakhir Meda Network
