Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoore: Fikirkeyga Xor ayaan U ahay
Muqdisho(MMedia) Xildhibaan cabdi abshir dhoore oo ka mid ah xil dhibaanada baarlamaanka soomaaliya kana qeyb galay kal fadhigii shalay xildhibaanada ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho ayaa
waxa uu sheegay in aysan suuragal aheyn in fikirkiisa loo diido.
xildhibaankan ayaa waxa uu ka mid ahaa tiro xildhibaano ah oo shalay loo diiday in kulamada baarlamaanka ay ka hadlaan islamarkaana afkaarta ay ka dhiibtaan.
xildhibaanka cabdi abshir dhoore ayaa shaaca ka qaaday in diyaar u yihiin inay ka hadlaan dhibaatada shacabka soomaaliyeed islamarkaana ay runta sheegaan sida uu yiri.
waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax u diidaya in uu hadlo islamarkaana uu ka aamuso arin walba oo taagan oo u baahan in la soo bandhigo.4
hadalka ka soo baxay xildhibaan cabdi abshir faarax ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalintii shalay kulankii baarlamaanka tiro xildhibaano ah loo diiday hadlaan.
Ibraahim Guudle Isxaaq
Maakhir Media Muqdisho
