Mudane Ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shil gaadhi ku geeriyoday Maanta
Garowe-MMedia-Waxaa maanta shil gaadhi ku geeriyooday mudane ka tirsan Baarlamanka puntland oo lagu magacaabo ashiir Cadooyo (Liinan) kaasi oo saacadihi lasoo dhaafay gaadhi uu watay uu la Rogmaday.
Marxuumka ayaa watay gaaadhi noocisu yahay Surf kaasi oo uu kula dhacay inta u dhaxaysa degmada Jiriiban iyo magaalada Garoowe ,Marxuuunka dhintay ayaa kusii jeeday Magaalada Garowe isagoo halkaasimudo hawlo shaqo ugu maqnaa.
Gudoomiyaha Baarlamnka puntland ayaa sheegay in uu xildhibaankaasi geeriyooday isagoo sheegay in ay sidoo kale ku geeriyootay gabadh kamida qoysiikisa .
Alla ha u naxriistee marxuum Bashiir ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamanka puntland ,marxuumka ayaa barlamanka kasoo galay degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal halkaasi oo la sheegay in xildhibaanku uu ahaa mudanayasha baarlamanka ugu fir fircoon .
Alle Ha unaxriisto amin
Maakhir Media Network
