Dagaal Mar kale ka Qarxay Dhul daaqsimeed Gubab ee Hoostaga Deegaanka Rako+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Rako-MMedia-Degaanka (Gubab) oo qiyaastii 20Km dhinaca koonfur bari kaga beegan degmada Rako ayaa shalay galab dagaal ka dhacay waxaa inta la hubo ku geeriyoodey 8-qof oo ka kala tirsan dhinacyadii ay dirirtu u dhexeysey 9-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaarey.
Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah Odayaasha degmada Rako oo aanu xiriir la samaynay dagaalkaas ayaa iskiis u joogsaday markii gabalku dhacay , waxaana jira cabsi laga qabo in tirada dhimashadu ay intaas ka badato maadaama aysan weli jirin cid tagtay goobihii shalay uu iska hor imaadku ka dhacay oo la filayo in meydad dhowr ahi ay ku harsan yihiin.
Xaalada ayaa saaka ah mid degen waxaana goobtii ay shalay dirirtu ka dhacday ku baxay waxgarad iyo nabadoono kakala tirsan beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan , kuwaas oo dadaal xoogan ugu jira sidii looga hortegi lahaa in saaka mar kale uu halkaas dagaal dib uga qarxo.
Ciidamo ka tirsan Puntland oo uu horkacayo Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Puntland oo iyagu horay ugu dhex jirey ciidamo isku hor fadhiyey Uurjire oo dhowr beri kahor dagaallo ay ka dheceen ayaa usoo ruuqaansaday dhinaca ay colaadu kasoo cusboonaatay ee (Gubab).
Dadka inta badan degen Baadiyaha ayaa isku qabta Dhul daaqsinmeed iyagoo kaidbna halkaasi ku dhexmaro dagaal dhimasho iyo dhawac xambaarsan ,waa dhacadii labaad ee halkaasi ka dhacda iyado hore laysugu layay deegaanka gidhays ee Gobolka bari halkaasi oo laba beelod oo halkaasi wada dagaa ay isku laayeen.
Maakhir Media Network
