Ardaydii ugu badnayd oo ka qalin jabisa Jamaacada Hargaysa iyo Madaxwayna JSL oo ka qayb galay +Sawiro
Hargaysa-MMedia-Xaflada aad u balaaadhan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacada Hargaysa ayaa lagu qabtay isla xarunta jaamacada iyadoo ay ahayd xafladaasi mid ay ku qalin jabinayaan ardaydii ugu badnayd ee ka qalin jabisa Jamaacada Hargaysa ee ku taala isla caasimada Somaaliland.
Munaasibadan waxa ka soo Qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyayaasha Xisbiyadda UDUB, KULMIYE iyo UCID, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Dhalinyaro, Walidiin, Ardey Saxaafada iyo Marti sharaf kale.
Ardeydan oo Tiradoodu Dhamayd 538, Ardey, kuwaasi oo kala Bartay Kuliyadaha, Caafimaadka, Daraasaadka Islaamka, Sharciga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maamulka, Kambuutaradda, iyo Xisaabaadka.
Waxaan ay ahaayen arday ku labisan direeskii loogu talagalay oo ay lahayd kuliyad kasta waxaan laga dheehan karaayay farxad ka muuqtay wajigooda iyadoo arday kasta uu waalidkii lasocday.
Gudoomiyaha Kumeel gaadhka ee Jaamacada Hargeysa Muuse Aadan Axmed oo Munasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay Taariikhihii kala duwanaa ee Jaamacadu soo martay, waxana uu ku dheeraaday Sababihii keenay in la aas aaso jaamacada isaga oo ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waa in la Horumariyaa Aqoonta waayo aqoontu waa laf dhabarta bulshada waana in ay Jaamacadani kaalin Weyn ka Qaadato Sidii uu dalkunu u noqon lahaa mid Taaba galiya haday ahaan lahayd Horumar dhaqaale,Caafimaad, Waxbarasho iyo mid kaleetoba.
Waxaa kaloo uu gudoomiyuhu sheegay isagoo soohadal qaaday in maamulka Jaamacada oo hada ah kumeel gaar In laga baxaa ku meel gaar oo maamul caadi ah loo sameeyo isago sheegay in uu isagu xilka sii hayo yahayna Kumeel gaadh.
Dhanka kale isagoo ka hadlayay cida dhigata Jaamacada waxa uu yidhi”Jaamacadan waxa dhigta Qaybaha kala duwan ee Bulashada haday ahaan lahayd kuwa ku jirra Xukuumadda, Ururadda Bulshadda, Ganacsatadda, Shaqaalaha Dawladda, Ardeyada ka soo baxada Dugsiyadda Sarre iyo Waliba Qaybaha kala duwan ee bulshadda.
Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna Madashaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay Ardeyda Qalin jabinaysa inaanay Marnaba u Hanqal Taagin Tahriib waxana uu u soo jeediyay in ay ka faa’iideystaan Dhulkooda Hooyo isaga oo sheegay in ay aradaydu aanay tahriibin balse ay shaqeeyaan oo ay dalkooda u faaidyeen isagoo dardaran usoo jeediyay dhamaan Ardaydii ka qalin jabisay isagoo dawladana ugu baaqay in ay gacan ka gaysto sidii ay shaqo ugu abuuri lahayd.
Axmed Yusuf yaasin oo ahaa madaxwayne ku xigeenki hore ee Somliland ayaa sidoo kale ka hadlaay arinka mucarad iyo muxaafad “Dabcan Anigu Waan Soo Maray Mucaarad iyo Muxaafid wuxuu yahayna waan Garanyaa bal maanta waxa la doonayaa Muxaafid iyo Mucaarad in Miis layskugu keeno oo Annagu (UDUB) waxaanu ahayn niman gaariday oo la garaaci jirey Markaa Maanta , Faysal (Faysal Cali Waraabe) uun Baan Marin Muxaafidnimadda ee Axmed (Axmed Siilaanyo) wuu Garanayaa waxay tahay Muxaafadnimadda iyo Mucaaradnimadu, Mucaaradnimadda waxa ku jirra inyar oo Xaasidnimo ah Markaa waxaan lee yahay ha laysku soo yara Dhowaadoo Arimaha meelo dhexdheexaad ah ha layskugu keeno” sidaasi waxaa yidhi axmed yusuf yasin.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay Xafladaasi ayaa Ardeyda ku Amaanay in ay si Baaxad leh uga Qayb Qaateen Doorashooyinkii ka Qabsoomay Dalka Sanadkii la soo dhaafay “waxaan idiinka mahad celinayaa sidii adkeyd ee dulqaadka lahayd ee aad uga qayb qaadateen in uu dalka ka dhacdo Doorasho iyo diwaan galin , haddii aanay Ardeyda Jaamacaduhu Arintaas Qabanin maanta Sidaas ma aynu ahnayn waxaad muujiseen Mustaqbalka sida aad dalka ka dhigi doontaan waxaad muujiseen Aaminaadda Xilka iyo sidda laysku aamini karro.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay Xafladaasi ayaa isna dhankiisa Xusay Inaanay Jamaacada Hargeysa lahayn Maamul toos ah oo loogu soo hagaago, waxana uu sheegay in laga gaabiyay Habkii loo sameyn lahaa Maamul toos ah oo ay jaamacadu yeelato waxana uu yidhi “Jaamacadda Camuud waxa ay hoostimaada Gobolka Awdal, kuwaasi oo gacanta ku haya, jaamacada gobolkaTogdheer waxa gacanta ku haya Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer, Jaamacada Hargeysa, ilaa iyo Hadda waa Mar Saddexaadka aan ka hadlay Meel ay ku Abtirsato garan mayno, Jaamacad aan lagaranayn cida loo raacoba iyo cidd u hiilinaysa oo ka naxaysaa Jaamacad Noqon mayso, waxan soo jeedinayaa in jaamacad la dhigo jaamacad wanaagsan oo ay Dawaladdu la Wareegto, waxa weeye Jaamacaddu way balaadhatay waa caasimaddii Jaamacaddu ku shaqayn mayso Yuu ALLE waxa u dhiibey , mar hadday dawaladdu soo magacaabayso cidiin madax ka ahaan lahaa waa inay dhaqaalaheedana qayb libaax ka qaadataa” sidaasi waxa yidhi Faysal cali waraabe.
Gaba gabadii xafalada waxa lagu soo dhaweeyay wasiirada waxbarashada ee Somaaliland Marwo samsam waxaana ay hambalayo u dirtay oo halkaasi uga jeedisay dhamaan ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Hargaysa iyadoo ay sheegtay in ay jaamacadin tahay talabaad ee ugu da’da wayn Soomaliland iyadoo Ardaydan ku boorisay in ay sii dadaalaan oo ay halkaa kala hayaan waxbarashada balse aanay odhan in ay dhamaysteen waxbarashadi.
Ugu danbaytii waxa xaflada soo xidhay dhanka Qudbadaha madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudan axmed maxamud sillanyo isagoo intii aanu ardayda gaadhaysay 10 gudoonsiin shahaada ayuu u hambalyeeyay ardayda uu hortaagan yahay ee maanta ka qalin jabisay waxaan uu madaxwaynu sidoo kale ardayda u sheegay in ay yihiin ubixii wadanka isla markaana loo baahan yahay in aad ka qayb qaadataan waxqbadka dalka iyo dibu dhiska isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin aad u faxad badan.
Dhanka kale isagoo ka hadlayay jaamacada waxa uu sheegay in ay Tahay jaamacada hargaysa jaamacad Qaran oo xusid mudan isla markaan ah jaamacad qadiimi ah oo u baahan in la xuso isagoo taasi ka hadalk qadanaya hadal uu faysal cali waraabe yidhi oo ah in jaamacada Hargaysa ay dawladu gacanta ku qabato ee anay noqon jaamacad hadba meel istaagta .
Kadib waxa uu gudoon siiyay madaxwaynuhu aradaydii tobonka ugu saraysay shahaadadii iyadoo sidoo kalena bilad la gudoonsiyay arday kaalinta koowaad u galay dalka itoobiya radaygaasi oo ahaa raday Reer Somaliland ah waxana gudoonsiyay madaxwayna Axmed amxamed Silaanyo.
Isku so wada xxooriyo waxay ahayd Goob aad u farxad abdan iyadoo ay ahayd meel ay siugu yimaadeen dad badan oo ay ku jiraan ardayda qalin jabinaysay iyadoo arday walba uu la socday walidkii taasi oo u surta galisay waalid kastaa in uu inankiisa ama inantiisa uu gudoonsiyo ubax qurxoon,waxaan taasi dheer in ay ardayda u ahayd maalin aad u farxad bada waxaana goobta isugu yimi dad aad u badan oo ka qayb qadanayay farxada iyo damaashaadka ardaydoda .
