Gedo oo meydadka seddex askari laga helay wabiga jiinkiisa
Gedo-MMedia-Dad ku sugan deegaanka buurdhuubo ee gobalka Gedo ayaa u xaqiijiyay shabakada Maakhirmedia in wabiga afaafkiisa laga helay meydadka 3 askari oo ka tirsan dowlada Kuwaasoo la rumeysan yahay in xarakada al shabaaab Al-shabaab ay dileen soona raaciyeen Meydkooda wabiga.
Waxa ay sheegeen ilaha deegaanka in meydadka ay ahaayeen kuwa ay xabad ku taalo isla markaana qaba dareeskoodii ciidankooda.
Tani ayaa walaac ku abuurtay dadka deegaanka waxaana ay shacabka si iskood ah u Go’aansadeen in ay iska aasaan meydka si ay uga nabad galaan caafimaad darada ka dhalan Karta hadii ay sii yalaan.
Karaakiisha dowlada kmg ah ee soomaaliya ee gobolkaasi ilaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin meydadkani webiga la soo raaciyay.
Name:Ibraahim guudle isxaaq
Maakhir Media Network
