Madaxwaynaha Somaliland oo Tacsi u diraya eheladi uu ka geriyooday Gudoomiyahii Gobolka Oodeayne
Date: 02/10/2011
TACSI
Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Gobolka Oodweyne oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Oodweyne MARXUUM MAXAMED GAHAYR XIRSI oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa Galabta 02.10.2011.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

