Al Shabab oo xanibtay Dhamaan Shirkada ka hawl gala Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya
Muqdisho-MMedia-Wararka ka imaanaya Koonfurta Somaliya ayaa sheegay in la xayiray Shirkadii isgaarsiinya ee ka hawl gali jiray Koonfurta Somaliya iyo Bartamahaba kuwaasi oo cadeeyay in ay al shabaab Albaabada isugu Dhufatay.
Shiradaha Isgaarsiinta Nation-link iyo Telecom Somalia ayaa waxa ay xaqiijinayaan in saakay Maamulada Al Shabaab ee ka jira gobolada Koofurta Soomaaliya iyo Bartamaha ay albabada u laabeen howlihii shaqo ee Shirkadahaasi oo ay u hayeen bulshada ku dhaqan goobaha ay ka taliyaan Al Shabaab.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Xarakada Al Shabaab ay xayireen Shirkadahaasi oo Xarumo farabadan ku leh deegaanada ku yaalla gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana arintaani la sheegay inay salka ku hayso bixinta lacago ay Shabaabku dul dhigeen shirkadahaasi kuwaasi oo aan cadadoodu la tibaaxin.
Mas’uuliyiinta Shirkaha Isgaarsiinta ayaa la tilmaamay inay ka dhaga adeegeen bixinta lacago aad u farabadan oo ay duldhigeen Maamulada Al Shabaab ee goboladaasi, waxaana taasi ay keentay in la xayiro Shirkadaha Isgaarsiinta ee Nation-link iyo Telecom taasi oo ay walaac xooggan ka muujiyay dadkii shacabka ahaa ee isticmaalayay adeega shirkadahaasi, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in sidoo kale ay jiraan qaar ka mid ah Shirkadaha Xawaaladaha oo Shabaab ay joojiyeen howlahoodii shaqo
Al shabaab ayaa inta badan goobaha ay gacanta ku hayaan waxaa ay u gaystaan tacadiyo kala duwan haday ahaanlahayd xawaladaha iyo shirkadaha isgaarsiineed ee ka hawl gala koonfurta iyo bartamaha waxaana ay marmar xidhaan sida ahada oo kale shirkadaha Isgaarsineed iyo xawalada ,goobaha kanacsi iyo dhamaanba adeegyada Bulshada.
