|

Dawlada Sucuudiga “Waxaan Somaliya ugu deeqaynaa Lacag Fara badan “

Riyad-MMedia-Dawlada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay dadka tabaalaysan ee Somaaliya  ugu deeqi doonto lacag fara badan taasii oo ay doonayso in wax loogu qabto dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaaliya.

Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Sacuudiga Dr. Cabdulaahi Rabiica ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ugu deeqayaan lacag gaaraysa 400- kun oo dollar-ka Maraykanka ah taasi oo uu sheegay in wax looga qabanayo xaaladaha Cafimaad dari ee haysata qoysaska Soomaalida ah ee ay abaaruhu saameeyeen oo ku sagan Magaalada Muqdisho.

Xilli uu ka hadlay shirk ka dhacay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahir ayaa waxaa uu sheegay in deeqahaasi ay kala kaashan doonaan sidii loo gaarsiin lahaa dadkaasi Ururka Caafimaadka Aduunka, Ururka Iskaashiga Islaamka, Hay’adda Bisha-Cas iyo Laanqeerta Cas.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay inay ka damqanayaan dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed ee walaalahooda ah isalmarkaana ay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan qoysaska barakacayasha ah oo ay saameyeen abaaraha, isagoo ugu baaqay beesha Caalamka inay Kaalmooyin bini’aadanimo oo deg deg ah ay la gaaraan dadkaasi.

Dawlada Sucuudiga  ayaa dhawaanba ka shaqaynaysay sidii ay dadka Somaalida u caawin lahayd oo ay isu garab taagi lahayd ,waxaa kaloo jira in dalal badan oo caalamka ay  Somaaliya usoo Gurmadeen iyadoo ay doonayaan dalalkaasi sidii Somaliya ay ugaadh siin lahaayen deeqaha ay bixinayaan.

Comments are closed