Mudanayaasha Baarlamanka Somaliya oo Maanta ka dooday Bada Somaliya
Muqdisho-MMedia-Mudanayaashaani ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ee maanta kulanka ku yeeshay xarunta golaha shacbka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka doodayeen xadka badda Soomaaliya ay la wadaagto Caalamka iyo is qab qabsi xooggan oo la xiriira in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya heshiisyo lagula galay dalka Kenya, iyadoo maanta barlamanka la horkeenay islamarkaana su’aalo lagu weydiiyay wasiirka kaluumaysiga iyo qeyraadka badda C/raxmaan Sheekh Ibraahim
Ugu horayn ayaa kulanka waxaa furay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka KMG Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey kaasi oo su’aal ku aadaneed in Shirkii kusoo dhamaaday dalka Seashells ee uu ka qeyb galay wasiirka lagu soo hadal qaaday xaaladda badda Soomaaliya iyo in kale.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo qeyraadka badda oo su’aashaasi ka jawaabay ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in Shirkaasi looga hadlay arimo ku saabsan biyaha Soomaaliya balse waxa uu hoosta ka xariiqay in Shirkaasi looga hadlayay sidii laga yeeli lahaa burcad badeeda Soomaalida.
C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aan wasiirka laga aqbali doonin warka uu ka horjeediyay barlamanka oo uu tilmaamay inay ahaayeen kuwa xaqiiqda ka fog, isagoo intaasi ku daray in hadii wasiirka uu ka gaabsaday su’aalihii ay weydiiyeen mudanayaasha barlamanka inuu dacwadiisa horgeen doono Xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Xukuumadii Sharma’arke ka ahaa wasiirkii iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga oo ahaa ninkii saxiixay heshiiskii hordhaca ahaa ee sida la sheegay dhigayay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya laga iibiyo dalka Kenya ayaa wax laga weydiiyay waxa uu ka ogyahay arintaasi, waxaana uu shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uu la galay dalka Kenya wasiirkii kaluumaysiga iyo qeyraadka badda ee Xukuumadii Farmaajo, waxaana uu ka dalbaday Gudoonka barlamanka in hadii la heli karo wasiirkaasi la horkeeno barlamanka.
Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf ayaa isna fadhiga barlamanka waxa uu ka sheegay in isaga oo ku sugan dalka Kenya uu la kulmay Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu sheegay inay ku wareejiyeen dukumintiyo cadeynaya in dalka Kenya iyo dowladda Norwey Shirkado ay leedahay ay heshiis kuwada galeen in badda Soomaaliya laga qodo ceelal shidaal, waxaana uu carabka ku adkeeyay in dukumintiyadii uu ku wareejiyay Madaxwenaha dowladda KMG Soomaaliya.
Maakhir Media Network
