|

Burcad badeeda Somalida oo Maalintii Shalay sii dayay Markab laga leeyahay Dalka Greeca

Hargays-(MMedia)-Burcad badeeda Somaalida ayaa waxaa ay sii daayeen Markab laga leeyahay wadanka Greeca oo ay  mudo halkaasi ku haysteen kuwaasi oo maalitii shalay sii daayay kadib markii ay ka qaateen lacag madaxfurasha ah.

Mid ka mid ah burcad badeeda Soomaalida oo magaciisa lagu soo gaabiyey Xuseen ayaa waxa uu sheegay in Markabka ay sii daayeen, isagoo shaaciyay inay ka qaateen Markabkaasi lacag Madax furasho ah oo gaaraysa 3800  Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in markii ay burcadu qaadatay lacagta ay isku khilaafeen qaybinta lacagtaasi waxaa wararku sheegayaan  in xataa ay markabka soo koreen dadki burcada daynta kulahaa kuwaasi oo doonayay lacagtii laga qaatay iyo gaadiidkiba.

Maxamed cali goodi waa mid kamida burcada oo aan khadka telefonka kula xidhidhnay waxa uu iishegay shabkada wararka  ee Maakhir “Markii Hore waan is khilaafnay kadibna waan heshiinay oo lacagtii si wanagsan ayaan u qaybsanay,dadkiina lacagahodi ayaan siinay”Sidaasi waxaa yidhi mid kamida Burcadii Haystay markabkii Greeca ee ay sii daayeen.

Markabkaani MV Dover ayaa Kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxa ay ka afduubteen bishii February ee sanadkan Meyl 260 Mayl Waqooyi bari ka xigta dakadda Salalaha ee dalka Cumaa.

Inta badan markii ay burcadu qabsato maraakibta gooshaya  Bada Somaliya iyo kuwa ka baxsanba waxay  dalbadaan lacag madaxfurasha ah  kadibna waa ay sugaan inta loo keenayo iyagoo  sii qaata adeegyo kal duwan oo ay sii isticmaalyaan ,sidoo kale waxaa ay sii  qaataan gaadiid waxaa kaloo jira in ay  dadka shaxaada ka bixiiyaan lacag qaarna ayba baabuur u gadaan .

Gaba gabada qaadashada lacagta waxaa is soo diyaariya dhamaan dadkii lacagta kulaa oo dhan iyagoo  nin waliba lacagti lagu laha uu iska bixiyo  sidaasina waxaa ay Burcadu ku qaadataa lacagtii usoo hadhay.

Maakhir Media Network

Comments are closed