Koox Hubaysan oo Dil u gaystay Laba Askari oo ka tirsan Puntland
Galkacayo-MMedia-Koob Hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacayo gaar ahaan xaafada Garsoor Askar ka tirsan Cidamada puntland habeenkii xalay.
Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaaladaasi kooxo hubaysan ay ku dileen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland.
Kooxdan Dishay Labada Askari ayaa ku hubaysnaa Baastoolado iyagoo ay kadib toogteen askarta oo goobta maraysay waxaana ay ahaayeen Roondo ,wararku waxay ku imaanaya ayaa sheegaya kooxdii dilka gaystay ayaa ka baxsaday goobta.
ciidamada amaanka ayaa ku hawlan sidii ay usoo qaban lahayeen dadkii dilka gaystay .
dhawaana yay ahayd marki heshiis laga gaadhay labada dhinac oo ay dhameeyeen xildhibaano ka socda DGKG iyadoo sidoo kale xildhibaanadu ay shegeenin dilalka qorshaysan ay gaystaan Alshabaab khalkhalkana ay kawadaan .
Maakhir Media Network.
