|

Faah faahin Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Shalay Soo Dhamaaday

Copenhagen-MMedia-Shirkii Kooxda xariirka Caalamiga ee ka socday dalka Danmark ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Copenhagen,

Kulan oo ay ka qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socday wadamada Caalamka iyo Maamulada ka jira Dalka Sida Somaliland iyo Puntland iyo DMKG ee Somaliya iyadoo ay goob joog ka aheyd Qaramada Midoobay ayaa waxaa gaba gabadiisa laga soo saaray qodobo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa amaanka, dhibaatooyinka bini’aadanimo iyo arimo kale oo la xiriira Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ayaa soo hadal qaaday Shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan qodobadii kasoo baxay Shirkaasi iyagoo sheegay inay muhiim tahay in la dar dar galiyo dastuurka iyo dowladda wanaaga.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo ka qeyb galay kulanka ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Kooxda xiriirka Caalamiga waxa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in Shirka ay kasoo qeyb gasho Madax ka socota Caalamka, waxaana uu intaasi ku daray in ka qeyb galayaasha kulanka ay isla garteen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya sida amaanka iyo horumarinta dalka.

Madaxda ka qeyb gashay Shirkaasi ayaa waxa ay sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in deg deg ah loo qaado talaabooyin wax looga qabanayo amaanka iyo xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan taageerida dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa si wayn loogu lafa guray arimaha Somaliya iyadoo ugu badnayd ajandaha looga hadlayay in somaliya xal loogu helilahaa ka shaqaynta amaanka iyo sidii Horumar loogu samayn lahaa Somaliya.

Comments are closed