|

Madaxweynaha soomaaliya oo arday turkig aaday la dardaarmay+Dhagayso

Play

Muqdisho-MR-

Madaxweynaha dowlada kmg ah ee soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa waxa u digniin iyo dardaaran u jeediyay ardaydii ku guuleysatay imtixaamkii loo qaaday deeqdii waxbarasho soomaaliya ay ka heshay dowlada wadanka turkiga.

madaxweyne shariif sheekh axmed ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan marka ardaydani waxbarashada loo diray marka ay tagaan dalka turkiga kuwo ku booriya in ay tahriib galaan islamarkaana nafsadooda ay badda ku halaagaan ay uga haboontahay in ay wax bartaan dalkoodana ay usoo hooyaan guul iyo horumar.

madaxweynaha ayaa ardaydani u sheegay in dalka soomaaliya ayaga uun uu sugayo si ay u hogaamiyaan marka ay wax soo bartaan ay imaan doonaan dalka oo sidan ka fiican oo ay u fududahay in ay hogaamiyaan maadaamaa ay hadda yihiin jiilka cusub ee mustaqbalka dalka u soo koraya.

wuxuuna sidoo kale uu sheegay in ay heystaan fursad aad u qaalisan islamrkaana ay haboontahay in ay ka faa,ideystaan sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed.

hadalkani ayuu madaxweynaha waxa uu ka jeediyay xaflad lagu sagootinayay arday ku guuleysatay imtixaankii ay qaaday dowlada turkiga islamrkaana ay ku helayeen ardaydani waxbarasho dalka turkiga ah.

Ibraahim Guudle Isxaaq(Guudle yare)

Maakhir Media Network

Comments are closed