Mudaharaad looga soo Horjeedo sidii loo qaybiyay Deeqdii waxbarasho ee puntland Dalka Turkigu ugu Deeqay+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Dhahar-MR-
Wararka ka imaanaya magaaalada Dhahar ayaa sheegaya in Mudahaarad uu halkaasi ka dhacay looga soo horjeedo sidii loo qaybiyay Deeqdii waxbarasho ee puntland dawlada turkigu ugu deeqday.
waxaa suuqyada waawayn ee magaalada Dhahar waxaa isugu soo baxay dad badan kuwaasi badan koodu ahaayeen Arday iyo macalimiintii waxaa kaloo iyana shir qabtay odayaasha deegaanka oo ka hadlay arinkaasi.
waxaa noo suurta gashay in aan la xidhiidhno Ardaydii iyo macalimintii mudaharaadaysay iyagoo nooga waramay dareenkooda iyo waxay ka mudaharaadeen sidoo kale macalimiinta ayaa ka hadashay musuq maasuqii ka dhacay garowe .
nabadoonada Degmada ayaa iyna ka hadlay taasi oo ay ku tilmaameen mid aan xaq ahayn iyadoo ay sheegeen in si cadaalada ka baxsan loo qaybiyay waxaa kalo uu nabadoonku sheegay in deeganada Gobolka sanaag la dhaho marna lama galaayo marna deeqaha laga qadiyo taasina aanay ahayn wax sharci ah .
Deeqdii waxbarasho ee dawlada turkigu ay puntland ugu deeqday oo si aan caadi ahayn oo sharciga ka baxsan loo qaybiyay iyadoo musuq maasuq ay ka sameeyeen masuulintii qaybinaayay waxaana la siiyay hal gobol oo uu kasoo jeedo madaxwaynaha iyo Wasiirka waxbarashada ee puntland taasi oo ay sidoo kale ay siyeen laba gobol deeqdaasi balse Goboladii kale aanay waxba siin sida Sanaag iyo Bari Sool iyo kuwa kale .
Mudaharaadyadan aayaa isi soo raysa iyadoo maalintii shalay magaalada Badhan ka dhacay mudaharaad noocan oo kale ah sidoo kalena cuqaaasha Magaalada Bosaso ay arinkaasi ka hadashay waxaana ay ku sheegtay mid musuq maasuq ku dhacay.
Maakhir Media Network
