|

Dawlada Maraykanka iyo India oo ku heshiiyay Ciribtirka Burcad badeeda

Washiton-MR-.

Dawlada maraykanka iyo Hindiya ayaa heshiis dhexmaray  kaasi oo ku salaysan ladagaalanka Burcadbadeeda Somalida iyadoo ay shegeen in ay  dhib ku hayso isu socodka ganacsiga.

afiirka u fadhiya dowladda India dalka Maraykanka Nirupama Rao ayaa waxa uu kulan la qadaatay saraakiil sar sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee dalkaasi kuwaasi oo ay kawada hadleen sidii labada dowladood ay iskaaga kaashan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Safiirka u fadhiya dowladda India Washington ayaa waxa uu sheegey inay waajib tahay in wax laga qabto burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegey inay dhibaato ku hayaan dhaqaalaha caalamka, waxaana uu intaasi daray inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii loo cirib tirilahaa burcad badeeda.

Saraakiisha Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay qatar ku yihiin amaanka maraakiibta iskaaga kala goosha bad weynta India.

Heshiiskan labada dawladood ayaa imanaya xili xeebaha Somaliya ay ku sugan yihiin markibta ladagaalanka Burcada  kuwaasi oo isugu jira  Dawlada reer Galbeedka iyo aisia  waxaana ay la dagalamaan Burcada.

Maakhir Media Network

Comments are closed