Masar”Waa in Somaliya meel looga soo wada jeestaa
New York-MR-
Dawlada Masar ayaa beesha caalamka ka cosatay in Somaliya meel looga soo wada jeesto iyadoo ay sh gaeegtay in maanta ay Somaaliya u baahantahay gacan buuxda .
Haashim Badar oo ah Safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay dalka Masar ayaa mar uu la kulmay Wakiilka u qaabilsan Qaramada Midoobay dhinaca Qaxootiga waxaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay xalka kama dambeys ah laga gaaro dadka Qaxootiga ah ee Soomaliyeed kuwaasi oo masiibo ba’an ku haysato dalalka Caalamka.
Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda Masar looga baahanyahay inay qaadaan tallaabo ku dayo mudan oo tusaale u noqota beesha Caalamka si wax looga qabto shacabka Soomaaliyeed oo inka badan 20-sano la daalaa dhacaya abaaraha iyo colaadaha.
Haashim Badar ayaa waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Jamaacadda Carabta inay sii laba jibaarto Kaalmadeeda ku aadan shacabka Soomaaliyeed hadii ay ahaan laheyd dhinaca dib u heshiisiinta, gar-gaarka iyo waliba wax ka qabashada xaaladda amaan ee Soomaaliya.
Dawlada Masar oo ku yaala afrika ayaa waxaa u aad uga hadlay sidoo meel looga soo jeesan lahaa xaalada somaaliya oo iminka u baahan gacan buuxda.
Maakhir Media Network.
