Maamul Goboledyo ka dhex abuurmaya Somaliland iyo Shir Beeleedyada Kusoo Badanaya
Faalo(MMedia) 1991 waxay ahayd Markii shacab gadoodasani weerar ku qaadeen Madax dhaqameed ku shirayay Magaalada Burco kuwaasoo cabsi daraadeed markii danbe ku dhawaaqay in Gobolada Waqooyi ka Go,een Soomaaliya inteeda kale waxaanay la baxeen Somaliland oo uu Gumaystihii Ingiriisku ula baxay xiliyadii uu gumaysanayay shacabka soomaaliyeed
Qorshahan Gooni isutaaga kuma iman daraasad iyo maskax fayow toona wuxuuse ka dhashay Cadho caadifadi qabiilnimo riixayso waxaanu sababay muda yar ka dib dagaalo sokeeye oo ka dhacay Magaalooyinka Burco,Berbera iyho Hargaysa waxaana ku nafwaayay kumanaan dad maato ah oo aan waxba galabsan waxaana ku burburay hanti aad u badan
Somaliland may noqon dal madax banaan oo caalamka laga Aqoonsan yahay waxayse ka mida tahay Soomaaliya waxaana loo tixgeliyaa sida Maamul Goboleed oo kale waxaayse in badan ku dadaaleen inay Aragtidooda ka gadaan wadamo ay ula muuqatay inay xidhiidh dhow la lee yihiin waanay ku hungoobeen ilaa hadana waxa wax loo siiyaa ama loola macaamiila sida Maamulada P/land iyo Galmudug oo kale
Somaliland malaha awood ay ku Maamulaan Gobolada ay sheegtaan waxaanay ku kooban yihiin ilaa laba ama sadex gobol oo weliba aanay si fiican uga hana qaadin maamulku waxa kaloo ay samaysteen lacag aan dhaafsiisnayn mid ama laba gobol waxaana maamulka badankiisu ku eg yahay Hargaysa oo u ah Caasimada taasina waxay keentay in Gobolo ka mida goobaha ay sheegtaan in dhawaan laga yaabo inay ku dhawaqaan Maamul Goboleedyo ka madax banaan Maamulka Hargaysa.
Gobolada Sanaag iyo Sool ayaan gacanta ugu jirin Somaliland waxaana ka taliya dadka deegaanka iska leh waxaanay caalamka u sheegaan inay Goboladaasi hoostagaan waxayse beenowday markii doorashooyinkii lagu dooranayay Madaxwenaha hada talada haya ka dhicin Goboladaas ka dib markii dadkii deegaanka iska lahaa kala horyimaadeen diidmo Qayaxan.
Awdal ayaa haysa marinkii ay hore uqaadeen Gobolada sanaag iyo Sool waxaana ka socda Qurbaha dhaq dhaqaaqyo lidi ku ah Maamulka Siilaanyo iyagoo u arka wixii ay wada dhisteen inuu gacanta u galay halbeel oo keliya kuwaasoo ku takrifala dhamaan ilaha dhaqaalaha ee kazoo xerooda Gobolada waxaana usii dheer sida ugu keliyeysteen mucaawinooyinka ka yimaada wadamada debada
Gobolka Awdal waxa ka jira abaaro saameeyay dadkii xoolo dhaqatada ahaa iyo weliba beeralaydii wax gurmad ahna haba yaraatee kamay helin Maamulka Siilaanyo waxa kale oo uu iska indha tirayaa qayla dhaanka uga imanaya Isimada iyo waxgaradka Gobolka waxaanu aad ugu mashquulsan yahay wufuud ka imanaya debada kuwaasoo inta badan ku qaabilo Gurigii laga dhaxlay Taliyihii Qaybta 26aad ee Morgan oo iminka uah Madaxtooyo
Waxa kale oo Gobolada Togdheer iyo Saaxil aad uga caroodeen sidii loo musuqmaasuay deeqihii waxbarsho ee ay bixisay Dowlada Turkiga kuwasoo badankoodii la siiyay Hargaysa iyo Gabiley Togdheer iyo Saaxila lagu qadiyay waxanay sii abuuraysa sida usii kala fogaanaya Gobolada Galbeedka iyo Barigu oo aanay weli gaarin Risaalada Maamulka Somaliland waxaase loo soo xawilaa mararka ay jiraa ololaha doorooshooyinka iyagoo loo sheeo balanqaadyo afka ah ka dibna halkii lagu ilaawo waxaanay u muuqataa inay Goboladani dhawaan laga yaabo inay u xuubsiitaan Maamul Goboleedyo hoostaga Dowlada Shariif madaama Maamulka Hargaysa Fadhiyaa Noqday mid fadhiida
W`axa kale oo jira Shir Beeleedyo kusoo badnaya mudooyinkan danbe kuwaasoo lagaga arinsanayo sidii laga yeeli lahaa inlagu dhawaaqo Maamulo ka madax banaan Hargaysa iyo inaan wax danbe lagu darsan Hargaysa iyo waxay cago ku qaadato
Somaliland maaha mid ay ka muuqdaan dhamaan Beelaha dega waxaanay ku kooban tahay oo keliya Beelihii taageeri jiray SNM kuwaas oo hamuun u qabay inay maruun hantaan Maamul ay midida daabkeeda hayaan waana ta keentay inuu Maamulkani tisqaadi waayay
Xubnaha ka jira Somaliland Beelaha Hartiga iyo Samaroon maaha kuwa aragtidooda siyaasadeed u madax banaan mararka ay ka qayb qataan doodaha siyaasada waxa loogu yeeraa Isxanbaar taasi oo ku tusinaysa inay yihii madiidan aan ka hadli Karin aragtidooda siyaasadeed inta badana waxa loo xilsaaraa gudiyada loo magacaabo meelaha Muranku ka taagan yahay.
Maxamed Aadan Xasan
Ceerigaabo
