|

Faah Faahin Ka Soo Baxay Shilkii Naxdinta Lahaa ee Ka Dhacay Wadada Isku xirta Hargaysa Iyo Jabuuti+Sawiro

Hargaysa(MMedia)Sida ay  wararka Hordhaca ah ee ay heshay MMedia ayaa sheegaya in dawga u dhaxeeya Jabuuti iyo Hargeysi  waxa ku geeriyooday inta la ogyahay laba iyo toban qof oo Rakaab ahaa oo u kala socday jabuuti iyo Hargeysa

Dadka Geeriyooday ayaa wararku sheegayaan in baabuurtii ay saarnaayeen Daad qaaday kadibmarkii dhulka Buuralayda ah ee waqooyiga Hargeysa uu ka da’ay roob Mahiigaan ah kaasoo soo rogay Dooxyada ay gaadiidku maraan.

wararka qaarkood ayaa sheegaya in la la’yahay qaar ka mid ah dadkii gaadiidkaa saarnaa halka baabuur ka mid ah kuwa ay dadku saarnaayeen la sheegayo inuu ku dul jiifo qaar ka mid ah rakaabkii.

Gurmadkii ugu horeeyay ee ka baxay Magaalada Hargaysa ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay waxaana horkacayay Wasiiro ka Tirsan Xukuumada waxaanay kala ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada iyo Waxbarashada.

Dadku dhaqan tuulada Agabar ayaa gurmad xoog leh ka gaystay Mashaqadan Naxdinta leh waxaana xili danbe soo gaaray Gurmadkaas Wasiiradu hogaaminayaan waxaana hada la kala gurayaa Maydadkii iyo dhaawacii waxa kaloo weli lagu guda jiraa sidii loo soo daad gurayn lahaa dadka weli ku hoos jira Baabuurta hoostooda

Sawiradan iyo muuqaalo goor dhawayd soo gaaray MMedia ayaa cadayna mashaqo inat ay le,eg tahay waxaana la baadi goobayaa dad kale oo loo malaynayo inuu daadku qaaday oo aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.dadkii ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Magaalada Hargaysa.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed