|

Wasiirka Difaaca Dalka Yaman oo Ka Badbaaday Qarax Lala Beegsaday

London(MMedia) Wasiirka gaashaandhiga ee Yemen Maxamed Nasser Cali ayaa ka badbaaday weerar is qarxin ee koonfurta Cadan.

Saraakiisha amaanka ee Yaman ayaa BBCda u sheegay in qof is qarxin rabay uu gaari ku soo kaxeeyay dhinaca gaariga wasiirka, dhowr kalena oo moto saarnaa ay ku soo tuureen bomka gacanta.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegya in ugu yaraan saddex askari ay dhinteen, sagaal kalena ay dhaawacmeen.

Madaxweynaha Yeman Cali cabdalla Saalax yaa wuxuu la kulmayaa mudaaharaadyo looga soo horjeedo iyo dagaalo ay wadaan askarta mucaaradka ee ka soo horjeeda xuklunkiisa

Maakhir Media London

Comments are closed