Somaliland Waa Maamul Goboleed Ka Mida Somaliya:R/wasaare C/weli
London(MMedia) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay howlaha horyaalla xukuumadda iyo aragtida dowladda ee ku wajahan gooni isu-taagga Somaliland.
Dr C/weli Gaas, wuxuu sheegay inay ka go’an tahay muddada halka sano ah ee ay shaqeynayaan inay la dagaalamaan musuqmaasuqa lagu eedeeyo dowladda ayna tusaan caalamka dowlad wanaag.
“Annaga waxaa naga go’an in Soomaaliya hal sano kaddib wajiga ay leedahay mid ka duwan ay yeelato. Wajigaas wuxuu yahay… hadda waxaan ku guuleysannay inaan Muqdisho ka bixinno Al-shabaab, gobollada kale ee dalkana aan ka saarno,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay wareysiga uu siiyay BBC-da.
Sidoo kale, raiisul wasaaruhu wuxuu sheegay in qorshahooda halka sano uu ka mid yahay in dalku uu yeesho saldhig nabadgalyo oo buuxa, isla markaana la isku-xiro dowladda dhexe iyo gobollada.
Ra’iisul wasaaraha Soomaliya wuxuu sidoo kale sheegay inay dowladdu horumar ka sameysay isku-keenidda maamullada gobollada, isagoo xusay inay isaga iyo Sheekh Shariif ay tageen Puntland iyo Galmudug, Faroole iyo Caalinna ay Muqdisho tageen oo ay ka qaybgaleen shirkii watashiga, wuxuuna sidoo kale uu daboolka ka qaaday in shirkaas ay ka qaybgashay Ahlusunna.
“Soomaalidu maanta waqti ay isaga dhowdahay inay isku timaaddo oo ay wax wada-qabsato ma jirto. Runtiina anigu aad ayaan ugu rajo weynahay in Soomaalida la isku keeni karo midnimana la abuuri karo,” ayuu yiri Dr C/weli Gaas.
Mar uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan gooni isku taagga Somaliland ayuu sheegay in Soomalinad Insha allaah iyaduna waqtigeeda imaan doonto, isagoo sheegay inuu ku rajoweyn yahay oo ay diyaar u yihiin inay la hadlaan Somaliland.
“Somaliland waxay noola mid tahay Soomaaliya, waxaana u arkaan in sida Puntland ay Soomaaliya ka mid tahay, laakiin waxaa loo baahan yahay si wanaag ku jiro in loo wada hadlo dantana meel loo wada arko,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Gaas.
Dr C/weli Gaas, wuxuu sheegay in xilligan aanay Soomaaliya kala go’in karin dal ahaan iyo dhaqaale ahaan, isagoo ku baaqay in lagu dadaalo in la adkeeyo midnimada Soomaaliya, isagoo xusay in dunida ay Soomaaliya u aragto hal dal oo keliya.
Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-kii, markaasoo xukunka laga tuuray dowladdii uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre, inkastoo Somaliland aysan weli helin wax aqoonsi ah.
Maakhir Media London
