|

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Musuqmaasuqii Garoowe Ka Dhacay oo Badhan Lagu Qabtay

Badhan(MMedia) Banaanbax lagaga soo horjeedo qaabkii loo maamulay Imtixaanaadkii deeqaha waxbarasho ee Turkiga loogu tartamayey ayaa maanta ka dhacay  degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Boqolaal qof oo isugu jira Waxgaradka iyo Aqoonyahanka degmada Badhan , dhalinyaro arday ubadan , iyo Hoyooyin ayaa maanta isugu soo baxay bartamaha degmada Badhan , si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan qaabkii Imtixaamaadkaasi loo qaaday iyo sidii gobolada loogu qaybiyey.

Mustafe Cali shire oo kamid ah Ardaydii Imtixaankii Garoowe lagu qaaday ka qayb galay oo isaga oo goobta uu banaanbaxu ka dhacayey ku sugan Horseed Media u waramay ayaa sheegay in gebi ahaanba Imtixaankii Garoowe lagu qaaday uu ahaa mid la Musuqmaasuqay waa sida uu ardaygaasi hadalka u dhigaye.

wuxuuna intaas ku daray in arintaasi ay tahay mid niyad jab u keeni karta ardayada gobolka kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa marka la eego dhanka dadaalka Waxbarashada ardayda kale ee dhiggooda ah aad uga wanaagsan.

Dhanka kale Cabdiqaadir Maxamuud Cali oo isna ku hadlayey magaca Aqoonyahanada gobolka Sanaag  oo isna Horseed Media u waramay ayaa sheegay in ujeedada maanta degmada Badhan isu soo baxa balaaran looga dhigay ay tahay si loo dareensiiyo bulshada gobolka in Imtixaanaadkii deeqaha Turkiga loogu tartamayey loo qaaday si aan sharciga waafaqsanayn.

Cabdiqaadir Maxamuud oo kamid ah Aqoonyahanada gobolka Sanaag ayaa ugu danbayntii ku booriyey ardaydii gobolka Sanaag  in aysan waxba niyada iska jebin dadaalkoodiina ay meeshiisii ka wadaan, isagoo dhanka kale ka dhawaajiyey in arintan oo kale aysan mardanbe dhici doonin.

Banaanabaxa ay maanta degmada Badhan  ka dhigeen bahda waxbarashada ee gobolka Sanaag  ayaa kusoo beegmeya xilli maalmo kahor magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo lagu soo gaba gabeeyey Imtixaanaad ay araday 5000 gaara u fariisteen kaas oo loogu tartamayey deeqo waxbarasho oo ay dowlada Turkigu u fidisay ardayda Soomaaliyeed.

 Source Horseedmedia

Maakhir Media Network

Comments are closed