Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay Wasiirka arimaha Gudaha kana aqbalay istiqaaladi xildhibanimada
Xildhibaanada Golalaha wakilada ayaa maanta la horkeenay istiqaaladii wasiirka Arimaha gudaha ee Maxamed nuur caraale(Duur) uu iskaga casilay xildhibaanimada iyo ansixinta wasiirka arimaha gudaha oo uu magacaabay madaxwayane Axmed Maxamed Silaanyo.
Kadib markii xildhibaanada la horkeenaya ayaa waxaa ay ka shawreen isla markaana ay ka aqbaleen istiqaaladii xildhibaanimo iyadoo sidoo kalena ay ansixiyeen xilkii wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay .
Waxaa logo ansixiyay gacantaag iyadoo xildhibaanada gabi ahaaba ay gacanta u taageen sidii loo ansixin lahaa iyadoo halkaasina ay ansax ku noqtay in uu ahaado xilka wasiirka arimaha Gudaha ee JSL .
Mr duur ayaa waxaa uu kamid ahaa xildhibanaada Golaha wakiilada ee laga soo doortay Gobolka saaxil iyadoo uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland u magaacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha JSL kaasi oo xilka wasiirnimo uu iska casilay wasiirkii Hore ee Maxamed cabdi Gaboose kaasi oo ay isku hayb ahaayeen Mr duur,Gaboose ayaa waxaa uu xilka wasiirnimo iskaga casilay sidii uu boodhka uga jafi lagaa hawlihisii Xisbiyada oo uu doonayo in uu mid u gaara furto.
Dhanka kale Golaha wakilada ayaa maanta ansixiyay wasiiru dawlaha wasarada arimaha debeda Maxamed Rashiid oo isna usoo magacaabay madaxwyaanaha Somaaliland Axmed maxamed silaanyo kaasi oo isla maantaba cod aqlibiyad ah ay kumeel mariyeen xilka wasiiru dawlaha .
Isku soo wada xooriyoo maanta waxaa la ansixiyay wasiirka arimaha Gudaha iyado sidoo kalena laga aqbalay istiqaaladii xildhibaanimo oo u soo gudbiyay Golaha wakiilada JSL .
Maakhir Media Network

