Xildhibaanda Gobolada Salal iyo awdal oo ku baaqay in lala gaadho dadka halkaasi ku nool Gar gaar bini aadanimo
Hargaysa-MR-
Xildhibaanadan oo baaqqaasi kaga hadlayay Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Baarlamanka ee Somaaliland
waxaan ay sheegeen in ay labadaasi Gobol ay ka soo jeedaan ay hadhaysay abaar baahsani taasi oo ay xukuumada iyo haayadaha ugu baaqeen in lala soo gaadho gar gaar dadka halkaasi jooga wax lagu siinaayo.
Gobolada Salal iyo awdal oo ay xildhibaaanadani kasoo jeedaan ayaa waxaa ka taagan sida ay sheegen abaar taasi oo ay dad badni halkaasi ku nool yihin ay saamaysay ,xildhibaanada oo sheegay in warbaahintu maalmahan ay ka sheekaynayeen sida ay abaartu uga taagan tahay halkaasi. Taasi oo ay sheegen in ay makhraati cad u tahay inGoboladaasi abaari ka taagan tahay.
Shirkan Jaraa’id oo ay qabteen xildhibaanadu ayay inta badan kaga hadleen labada Gobo lee ay kasoo jeedaan waa Salal iyo Awdale in ay ka taagan tahay Abaar Baahsani,waxaa kaloo ay sheegeen in deegaanada ku teed san xeebaha Somaaliland ay ka taagan tahay Abaar sida Geerisa, Lug haya iyo deegaano badan oo halkaasi kuyaala.
Gobolada Awdal iyo salal aya waxaa ka taagan Abaar baahsan oo hadhaysay dadkii halkaasi kunollaa waxaa kaloo ay xildhibaanadi sheegeen in dadkii miyiga ku noolaa ay kasoo hayaameen oo ay iminka ku sugan yihin magaaloyinka iyo Tuulyinka hase ahaatee dadkaasi loo baahan yahay in Gar gaar lala soo gaadho.
Maakhir Media Network.
