Warkii Dunida oo kooban Akhriso oo Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Hargaysa-MR
Warkan waxaa si Talan taali ah idink u soo gudbinaya wariyasha kala ah Maxamed Farah iyo Abdirisak Mahamed Said(Shabcaan) ee dhagaysi wacan.
Seychelles oo beenisay in Maraykanka uu saldhiygo ku leeyahay dalkeeda
Dowladda Seychelles ayaa waxa ay beenisay in dowladda Maraykanka ay ku leedahay dalkaasi saldhigyo lagula dagaalamo Xarakada Al Shabaab iyo Al qaacidada wadamada kale ee geeska Afrika.
Iyadoo dhawaan ay isasoo tarayeen wararka sheegaya in Maraykanka uu saldhigyo Milatari ka sameysanayo wadamo ku yaalla bariga Afrika iyo waliba Jaziirado ay ka mid tahay Seychelles ayaa dowladda Seychelles waxa ay gaashaanka u daruurtay in saldhigyo uu Maraykanka ka samaysanayo gudaha dalkeeda kuwaasi oo lugula dagaalamayo Al qaacidada Soomaaliya iyo wadamada kale ee geeska Afrika.
Wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Jean Paul Adam ayaa Warbaahinta u sheegay in ilaha laga soo xigtay warka ku aadan in Maraykanka saldhigyo ay ka dulaan diyaaradaha aan cidna wadin uu ka samaysanayo uu yahay mid been abuur ah islamarkaana aan la garaneen ilaha laga soo xigtay, isagoo tilmaamay in Maraykanka iyo Seychelles ay isticmaalaan Saldhig ay ka duulaan diyaaradaha wax basaasa balse aysan aheyn kuwa wax duqeeya.
Mr. Adam ayaa intaasi ku daray in ujeedada laga leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay tahay in loo isticmaalo dhinaca Sirdoonka si wax badan looga ogaado dhaq dhaqaaqyada kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Koofur Kuuriya oo ka qeyb qaadaneyso gar-gaarka Somalia
Dowladda Koofur Kuuriya ayaa waxa ay sheegtay inay kaalin weyn ka qaadaneyso samata bixinta shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Koofur Kuuriya ayaa waxa uu sheegay inay ka qeyb qaadanayaan gar gaarka bini’aadanimo ee dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Hay’adda cunada aduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP ay ku deeqayaan diyaarado qaada shixnadaha gar gaarka si ay u gaarsiiyaan gobolada ay abaarta ka taagan tahay ee Koofurta Soomaaliya.
Mas’uulkaani ayaa sheegay inay doonayaan inay gacan weyn ka gaystaan sidii ay abaaraha uga bixi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in diyaarado ay leedaha Koofur Kuuriya oo sida gar gaar u raran WFP ay gaarayaan goobaha ay abaarta ka taagan tahay.
Wasiirka arimaha dibadda ee Koofur Kuuriya ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay aad uga walaacsan tahay abaarta ka taagan geeska Afrika, isagoo ugu baaqay wadamada Caalamka inay ka qeyb qaataan gar gaarka la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Shariif oo digniin u jeediyay ciidamada DKMG
Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay talaabo ka qaadayaan askrta ka tirsan dowladda ee dhibaateeya dadka shacabka gaar ahaan barakacayaasha.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaaliya oo shalay kulan looga hadlayay amaanka dalka la qaatay Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda ayaa waxa uu sheegay in waajib horyaala Saraakiisha ay tahay in wax laga qabto askarta ka tirsan dowladda ee dhibaatada u gaysta dadka shacabka ah.
Madaxwayne Shariif ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in talaabo laga qaado ciidamadaasi kuwaasi oo uu sheegay inay dhaawacayaan sharafka ciidamada qaranka islamarkaana ay carqaladaynayaan hor u socodka dowladda KMG Soomaaliya, isagoo ciidamada uga digay dhibaataynta dadka shacabka ah.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay ogyihiin dad badan oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo dhibaateeya shacabka kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood isbaarooyin ay dhigteen xaafadaha magaalada Muqdisho taasi oo uu tilmaamay in aysan raali ka ahayn dowladda Soomaaliya.
Sheekh Shariif Sheekh oo soo hadal qaaday ciidamada dowladda KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhibaateeya dadka barakacayaasha ah ayaa waxa uu u jeediyay ciidamadaasi inay joojiyaan dhibaataynta dadka danta yar hadii kale ay dhigaan hubka, isagoo sheegay in cidii kasoo horjeesata arintaasi ay la mid tahay waxa uu ku sheegay cadowga Xarakada Al Shabaab.
Ku dhawaad 100 Soomaali ah oo lagu qabtay Libya
Ciidamada mucaardka dalka Libya ayaa waxa la sheegay inay gacanta ku dhigteen ku dhawaad 100 tahriibayaal Soomaali ah oo doonayay inay u gudbaan dalka Talyaaniga.
Wararka ka imaanaya dalka Libya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada mucaaradka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen tahriibayaal Soomaali ah xili ay ka gudbayeen xadka wadanka Libya uu la wadaago dalka Suudaan.
Ciidamada Mucaaradka ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen 96-dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo qaab tahriib ahaan kaga anbabaxay dalka Suudaan kuna sii jeeday dalka Libya si ay kaga sii gudbaan dalka Talyaaniga.
C/laahi Max’ed oo Maakhir Media la hadlay kana mid ah dadkaasi ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay ka qabteen magaalo lagu magacaabo Kufra oo ku talla xadka labada dal, waxaana uu hoosta ka xariiqay in intii ay ku guda jireen safarka ay kaga anbabaxeen dalka Suudaan ay ka geeriyoodeen 2-ruux oo dhalinyara ah kuwaasi oo magacyadooda uu kusoo koobay Sadaam iyo Max’ed, isagoo xusay in haatan ay ku jiraan isaga iyo dadka kale ee Soomaalida ah ee la socday xabsi guri.
Tan iyo Markii ay rabshadaha ka bilowdeen dalka Libya islamarkaana mucaaradka ay la wareegeen inta badan dalkaasi ayaa waxaa jiray boqolaal Soomaali ah oo ka gudbayay badda u dhaxeysa wadamada Talyaaniga iyo Liibiya.
Maakhir Media Network

