|

Macalimiin La,aan Ka Taagan Dugsiyada Magaalada Hargaysa Iyo Ardayda oo Ka Cabanaysa+Sawiro

Hargaysa(MMedia) Ardeyda ka tirsan Dugsiga Sare ee Gandi oo ka mid ah Dugsiyada sare ee Dawladdu maamusha ayaa cabasho la hor tagay Wasaaradda Waxbarashada, iyaga oo Ardeydani ka cabanaya Macamiliin la’aan, Maamul Xumo iyo Xiisadahoodii oo aanay si fiican u qaadanayn.

Ardey ka tirsan Dugsiga Sare ee Gaandi ayaa maanta cabashadooda la hor tagay Wasaaradda Waxbarashada, iyada oo ay halkaasi yimaadeen kooxo Ardey ah oo ka tirsan Dugsigaasi, waxaanay Cabashadooda u gudbiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada.

Ardeydan oo ay kula hadleen Masuuliyiintu Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa ayey Ardeydu sheegeen in aanay ku qancin hadaladii ay u soo jeediyeen Masuuliyiintaasi, taasina waxay keentay in Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan ay halkaasi ugu timaado Ardeyda oo ku buuqsan Wasaaradda.
DSC04480
Mid ka mid ah Ardeyda Dugsiga Sare ee Gandi oo magacisii la yidhaahdo Cadnaan Cabdi Xuseen ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu ka cabanayo, waxa uu yidhi “Anigu waxaan ka cabanayaa Macalimiin la’aan oo Wasaaradda ayaa hawsheedii gabtay, waxba nooma yimaadaan, waxa jira Macalimiin ku qoran Dugsiga oo Afar Sano oo aan dhiganayey aanan arag ina soo hor istaagin, isla markaana Wasaaradda Mushahar ka qaata”.
DSC04464
Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi aadan ayaa la lugeeysay Ardeyda ilaa masaafo gaadhaysa hal Kilo mitir, halkaasi oo u dhaxeysa Wasaaradda iyo Xafiiska Imtixaanaadka, waxaanay Ardeyda kula hadashay Xarunta Imtixaanaadka, iyada oo markii dambena ay Ardeyda isku af garteen in ay isku raacaan Dugsigoodii, isla markaana ay u ambabaxeen.
DSC04450
Waa Dugsigii Afraad ee Dawli ah ee Muddo bil gudaheed ah Cabasho noocan oo kale ah la hor yimaada Wasaaradda Waxbarashada, iyada oo Sadexda Dugsi ee Gacan Libaax, 26-June iyo Faarax Omaar, iyaguna hore ugu soo cawdeen Wasaaradda Waxbarashada in aanay haysan Macalimiin iyo Xiisado ku filan heerkoodii Aqooneed, taasina waxay sababtay in la bedelo Maamulihii Dugsiga Sare ee Gacan Libaax.
DSC04461 

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed