|

Dr. Mahiiga oo gudoonsiiyey Idaacada Somali Public Radio bilad sharaf lagu aqoonsanayay wax qabadkooda+Sawiro

Minneapolis -MR-

Waxaa magaalada Minneapolis si weyn loogu soo dhaweeyey isla markaasina shir balaadhan ku qabtey isla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota Ergeyga Gaarka ee arimaha Soomaaliya u Qaabilsan Qaramada Mideebo Dr. Augustina Phillip Mahiga ayaa waxaa uu la kulmey aqoonyahanada, ururada maxaliga ah, Jaaliyadaha, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Casuumadan ayaa waxaa martigaliyey isla markaana fidiyey hay’ada SIPR oo ah hay’ad laga aasaasey gobolka Minnesota ayna aasaaseen dhalinyaro aqoonyahana ah oo wax ku bartey dalka Mareykanka iyadoo hindisihii loo aasaasey uu ahaa xal-u-helida dhibaatooyinka ka aloosan dalka Soomaaliya gudihiisa, sidoo kale waxaa xafladan qaban qaabinayay hay’ada Oslo Center oo ka mid ahayd marti galiyayaasha mudane Mahiiga

Xafladan ayaa waxaa lagu aqoonsadey shaqsiyaad iyo waliba hay’ado dedaal weyn ka muujiyey xalka Soomaaliya isla markaana si balaadhan uga qeyb gaatey u gargaarida barakacayaasha Soomaaliyeed oo ay saameysey abaaraha.

Idaacada Somali Public Radio oo aad loogu amaaney goobtaasi barnaamijyada ay baahisey mudadii yareyd oo ay hawada ku jirtey kuwaasoo ahaa kuwa la xiriira wacyi galinta Abaaraha, Caafimaadka, Deegaanka, iyo wixii la mid ah.

Waxaa ugu horeyn goobtaasi ka hadlay lagu aqoonsanayay idaacada Somali Public Radio, xubin ka mid ah hay’ada Maxaliga ah ee Somali Institutue for Peace Research aqoonyahanka Soomaaliyeed Fakhrudiin Mustaf Maxamed oo goobtaasi hadal yar ka jeediyey ayaa ka hadley sababaha ay sida wada jirka leh ugu soo xusheen Idaacada SPR in ay u qalanto abaal marinta maanta lagu gudoonsiinayo.

Mudane Faqrudiin oo si toos ah ula hadley Ambaashadoor Mahiiga isla markaasina u sharaxay Idaacada SPR una sheegey iyadoo ay idaacada waqti yar furantahay hadana Muujisey dedaal dheeri ah kuna talaabsatey hormar baaxadleh oo la taaban karo.

Mudane Faqrudiin ayaa xusey in ay Idaacada Somali Public Radio tahay idaacadii ugu horeysay oo ka hadasha isla markaana maqal iyo muuqaal usoo gudbisey ummadaha kale oo aan markaasi ka war heyn saameynta abaaraha ay ku yeesheen dalka Soomaaliya.

Faqrudiin ayaa sheegey in Media Soomaaliyeed ay ku mashquulsanaayeen arimaha Siyaasada iyo waliba heshiiskii Kambaala. Laakiin ayuu yiri idaacada SPR waay si lama ilaawaan ah u caadeysatay waqtigaasi in ay ummada Soomaaliyeed ugu soo gudbiso muuqaalada muragada leh ee dalka ka jira iyadoo ay dadka intiisa badan aysan ka war heyn abaaraha baaxada leh ee ka jirey dalka Soomaaliya.

Waxaa goobtaasi lagu soo dhaweeyey Aasaasihii Idaacada SPR Saalax Doonyaale oo goobtaasi ka jeediyey hadalo kooban. Khudbadii uu ka jeediyey Saalax ayaa waxay u dhigneyd sida Soo socota.

Watching Anderson Cooper report live from Dadaab and Mogadishu is heartbreaking enough for much of the world as video clips of thin babies, desperate mothers and overflowing medical centers are televised on international screens.

Maadaama aan ahay Soomaali, isla markaana la igu tiriyo bahda Hal abuurka Soomaaliyeed, waxaan door bidey in aan afkayga ku hadlo. Waxaan jecleystey inaan gabay yar halkan ka tiriyo oo ay Hooyo Soomaaliyeed iga codsatey maanta mar aynu joogney xafladii hore ee Mahiiga uu ka qudbadeynayey. Gabaygan oo aan ka jeediyey hada ka hor idaacada BBC da ayaa wuxuu ku bibaalanayaa sidatan:
Abuurtaada Eebboow anoo, ka ambaqaadaaya
Intifaacsada dhulkii aad lahayd uduga dookhaaye
Ummddayda goortaan arkiyo,idilba Soomaali

Allahayow istareex uma ledin, arami mooyaane
Allahayow adaan kuu ergoon,oo awood badane
Allahayow ihaanada maxaad, ugu aglooleysay?

Soomaali waad ogtoohoo, waadna aragtaaye
Eex-iyo qabiil bay intaa, ku agwareegaane
Indheergaradna way weydayo, Odiyo Waayeele

Hadba Ubadka kii dooxayeey, ubaxa saaraane
Aslaax-iyo wanaagiiba waa, laga ilduufaaye
Arqab iyo abti iyo seedi iyo, Ehel ma dhaafaane
Allahayow sidey isu ajali loola amakaagye
Islaamka’iyo Gaaladuba way, ka anfariiraane

(IM Luwis) wixi uu qoreey, agabsi moodeene
Af-qalaad aqoon moodki bay, ku ajarmaayaane
Interneedka-iyo Aaladaha, lagu adeegtoo dhan
Idaacadihii’yo Weebseedyadii, baa asaasaqaye

Waa kuwaan sidii loo alkumay, uma adeegaane
Afxumaa ka buuxdiyo waxaan, cidi u’ aayeyne
Iyagaaba aafada dhigoo, uunka kala geyne
Iin iyo colaad mooyee erey kale ma sheegaane

Barakiciyo abaaraha iyo waxa omoska nabadey
Ugaadhiyo iyo kolkii ay dhirtii eber ka siiyeene
Markii anfaacii aga gurtiyo, agabki hoos yaalley
Allahayow badiina ula kacbey sun ugu aaseene

Halkii Towbad loo eeran-laa, Aayaddiyo Diinta
Iimaanki qaar laga baxshoo, Oomanbaa yimide
Afar Qolona way soo baxdoo, eelki sii badaye

Nin waliba Ikhlaaskii si buu, u’ akhriyaayaaye
Asalaynki waa lagu murmiyo, Eraygi Towxiide
Is-afgarad la’aantiina waa, la’ isku oogsadaye
Naf ilxumo ku noolayd haddaa, ooda loo rogaye

Birta qaar marki laga aslee, uuska laga daadshay
Nebigay ammaaneen markii, lagu unuun-gooyey
Mawliidkii la’ isuguma iman, Ururti weynayde

Ummaddii markii hore ahayd, ul’iyo diirkeeda
Ehel’iyo xigaal kuwii ahaa, aagna wada yiiley
Arxan lagama eegaayo-iyo, aaye iyo khayr-e

Allohayow adaa dunidoo idil uumay kaligaaye
Allahoyow aadmigana waa adoomahaagiiye
Allahayow adaa xaqa iftiinshoo eexna faline
Allahayow soo ururi dadkii wey kala irdhoobeene.

Xasiifka Salah Donyale Minneapolis

Maakhir Media Network

Comments are closed