Waan Garanayaa Cidii Itoogatay:Weriye Anteeno
Boosaaso(MMedia) Wariye Xasan Maxamed Cali (Anteeno) oo maalmo ka hor lagu dhaawacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xaaladdiisa caafimaad ay ka soo yara roonaanaysaa sidii hore, iyadoo iminka dhaawiciisa loo soo wareejiyay cisbitalka sida gaarka ah loo leeyahay ee Puntland Hospital.
“Sidii hore hadda waan ka roonahay ,sababtoo ah waxaa lagu guulaystay qaliinkii la iiga sameeyay laabta”ayuu yiri wariyaha oo aan maanta ku booqday isbitaalka uu ku suganyahay,xilli ay la joogeen qaar kamid ah wariyayaasha gobolka ka howlgalla iyo eheladiisa.
Mar aan waydiiyay in uu garanayo cidda isaga dhaawacan u gaysatay ayuu sheegay in uu si rasmi ah uu aqoonsan karayo ruuxii xabadaha la dhacay,isagoo xusay in halisatan ay ku keentay shaqadiisa oo uu muddo ku soo guda jiray.
“Aqoon wanaagsan ayaan u leeyahay dadkii aniga i dhaawacay, laakiin ma awoodi karin in aan qabto sababtoo ah xabaha ayaa meel halis ah iga haleelay,” ayuu mar kale yiri wariye Anteeno oo tilmaamay in hadda xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsantahay.
Waxaa kaloo wariye Xasan uu sheegay in uu u mahad-celinayo cid kasta oo canbaaraysay falkii isaga lagu dhaawacay,isagoo xusay in wariyayaasha Soomaaliyeed ay arintan oo kale u wada siman yihiin meel kasta oo ay joogaan.
“Runtii arintan waxa ay ahayd qaddar aniga ii qornayd, laakiin waxaan ka xumahay dhibaatada ay wariyayaasha shaqadooda ku qabaan,” ayuu mar kale yiri Xasan oo maanta si gaar ah ugu waramay HOL,xilli uu ka soo baxay koomo uu ku jiray maalmo ka hor.
Maareeyaha cibsbitalka Puntland Hospital ayaa sheegay in Xasan laga bad-baadiyay khatar aad u daran oo ka soo gaartay wadnaha agtiisa iyo garabka bidix ,iyadoo qaliinkiisa ay fuliyeen dhakhaatiir ajnabi ah oo halkaasi ka howlgalla.
Dalka Soomaaliya ayaa kaalmaha hore kaga jira wadamada ugu badan ee wariyayaasha lagu dhibaateeyo ,waxaana iminka soconaya dadaallo kala duwan oo lagu caawinayo wariye Anteeno ,iyadoo wali aan la soo qaban dadkii arinkan fuliyay.
Source Hiiraan.com
Maakhir Media Networ
