Wasaaradda Arimaha Dibadda Oo Xaflad Sagootin Ah U Sameeysay Hey’adda Bisha Cas Ee Iran Iyo Sababta ka Keentay Ka Bixitaankooda
Muqdisho(MMedia) Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xaflad lagu sagootinayay islmarkaana Shahaaddo lagu guddoonsiiyay ururka Bisha Cas ee dalka Iran oo maanta ka anbabaxayay dalka ugu sameeysay magaalada Muqdisho.
Munaasaddaasi oo ay ahayd mid ay si wanaagsan u soo agaasintay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay ma’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.
Ugu horeeyn munaasabadda waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxiin Abiikar waxa uuna u mahad celiyay ururka Bisha Cas ee dalka Iran oo uu sheegay in ay muujiyeen wallaaltinimo, isagoo intaa ku daray in ay taageero ballaaran u fiddiyeen dadka Soomaaliyee ee ay abaatu saameeysay.
Sidoo kale xafladda waxaa isna hadal ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure sidoo kale waxa uu u mahad celiyay ururka Bisha Cas ee dalka Iran sida wanaagsan ee ay Bulshada Soomaaliyeed u Taakuleeyeen, isagoo intaa raaciyay in ay muddan yihiin ammaan maadaama ay xil isa saareen.
Ugu danbeeytii ayaa munaasbadda Shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay xubnihii ka socda ururka Bisha Cas ee dalka Iran iyagoo dhankooda sheegay in intii ay ku sugnaayeen dalka ay soo dhaweyn ka heleen dowladda iyo shacabkeeda.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegayaa in ka bixitaanka Bisha case ee Iraan ay ka danbaysa amar rasmi ah oo ka soo baxay dawlada Iiraan oo dib ugu yeertay shaqaalaha gargaarka ee Wadanka Iiraan ka jooga Soomaaliya.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta bixitaanka shaqaalaha Iiraan ay ka dambeysay ka dib markii ergadii DKMG uga qeybgashay shirkii Golaha guud ee Qaramada Midoobay ay ku yeesheen magaalada New York ay isaga bexeen kulanka intii ay socotay khudbad uu golaha Qaramada Midoobay ka hor jeediyey madaxweynaha Iiraan Maxamuud Axmedinejad oo si kulul u weeraray siyaasadda reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka oo madaxwweyne Axmedinead ku tilmaamay gumeysi cusub.
Illaa 27 wadan oo u badan reer galbeedka ayaa isaga kacay kulanka golaha guud 23-kii September iyagoo ka carooday khudbada xanafta leh ee uu jeediyey madaxweyne Axmedinejad. Laakiin nasiib darro ergadii DKMG oo uu hogaaminayey raysul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa iyaguna ku dayday kuwii ree galbeedka waxayna isaga bexeen khudbadii ka socotay hoolka ee uu jeedinayey madaxweynaha Iiraan
Maakhir Media Muqdisho
