Maakhir Waxa loo baahan yahay in loo qabto.
Maqaal(MMedia) Laga soo bilaabo 2007 sida aynu wada ogsoon nahay waxaa jiray barnaamijyo lagu horumarinayo Maakhir.Markii 2007 lagu dhawaaqey Maakhir State dadka deegaanku waxa ay muujiyeen dareen fiican oo ku aaddan samaynta maamul la hana qaada caalamka.Waxa naftoodana ku dhashay rajo fiican iyo iftiin.
In ka badan 4 sanno ayaa hadda laga joogaa markii lagu dhawaaqay maamulka Maakhir State balse wax la taaban karo oo loo qabtay dalkii ma jirohaday tahay dhanka horumarinta tacliinta, dhaqaalaha, shaqooyin abuurka,wadooyinka iyo iwm.
Ilaa 2007 shirar badan oo ay iskugu imaadeen qurbajoogta reer maakhir waxa ay ka soo saareen ama isla garteen qodobo badan oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan Maakhir.Waxse laga fuliyey qodobadaa ma jiraan haba yaraaatee.
Waa arrin layska wada ogyahay oo laga xumaado in aysan jirin dad isku duuban oo u kacaya horumarinta Maakhir.Horta mida ugu muhiimsan waxa weeyi in dib loo soo dhiso Maakhir State si loo helo maamul caalamka la shaqaysan kara ,horumarin karana dhulka.Haddaan Maakhir State dib loo soo dhisin way adkaanaysaa in wax la qabto waayo caalamka maanta waxa ka socda maamul goboleedyo.Taasina waxa ay noqotay dariiqa ugu haboon ee waxaad xaq u leedahay aad ku soo dhicsan kartid. Kolay waad akhriseen maqaalkii aadka u wacnaa ee walaalkeen C/saq M.Ali qoray ee uu kaga hadlay khatarta aynu ku sugan nahay haddaan maamulkii Maakhir State dib loosoo dhisin.
Dad badan ayaa markaad waydiisid waxa loo samaysan kari laayahay ama dib loogu soo dhisi laayahay Maakhir State kuugu jawaabaya in ayna jirin nin wax maamuli kara ama lagu kalsoonaan karo oo hawshaash kasoo bixi kara.Run ahaantii waa fikrad gaaban in sidaa loo fikiro waayo umad dad iyo dhul baaxad weyn in ay isku maaweeliso qof hogaamin kara ma jiro.
Horta qof kaligii wax maqaban karo haddaan dadka bulshadu dal iyo dibad la shaqayn.Hadii inta wax laysku afgarto ama la shiro waxba laga fulin waayo wax horumar ah lama gaadhi karo.
Markasta waxaa la eedeeyaa qurbajoogta Maakhir iyaga oo lagu eedaynayo in ay shirar qabtaan waxna ka soo saarin.Taasi waa aarrin la wada ogyahay balse qurbajoogta oo kaliya wax ma qaban karto waayo waxaa loo baahan yahay in dadka dalka jooga iyaguna ay shiraan oo ay nidaam samaystaan.Waxa ah wax lagu farxo maamulka badhan oo ah tusaale loo baahan yahay in wax laga qaato.
Ujeedada qoraalkani waa mid aan ku soo bandhigayo waxyaabaha loo bahan yahay in loo qabto maakhir si loo helo horumar iyo iskufilnaansho.Waxkastana waxa ay leeyihiin biloow iyo dhamaad ilaa la gaadho meeshii loo baahnaa.
Waxyaabaha loo baahan yahay in la qabto ee ugu muhiimsan waa kuwan:-
1 – Maakhir State – In dib loo soo dhiso Maakhir State oo hoostaga TFGga.Waa arrinta ugu muhiimsan ee lagu dhaqaaqi karo si loo dhiso dalka , dhibaatooyinka noocyada badanna wax looga qabto. In la qabto shir lagu qabto dalka gudihiisa oo ay ka soo qaybgalaan dhamaan dadka dagan dalka iyo kuwa qurbajoogta ah.Lana sameeyo maamul ay hogaaminayaan dad u daacad ah dadkooda iyo dhulkooda.
Maamul markaad leedahay adiga ayaa lagula soo xidhiidhi cidna wax laguu waydiin maayo ama laguu soo marsiin maayo.
2- Dekeda Laasqoray – Waa arrinta labaad ee loo baahan yahay in la siiyo ahamiyad gaar ah waayo marka la dhiso dekeda laasqoray waxa ay noqon doontaa isha dhaqaalaha ee Maakhir.Wadamo aan bad lahayn iyo meel ay alaabta ka soo dejiyaan ayaa jira.Markaa aad ayey muhiim u tahay in la dhiso dekeda laasqoray.Markaa aad maamul samaysatid bari kamaalin waxa aad ka soo dajisan kartaa dekedaada hub iyo waxkasta oo dhulkaaga anfacaya adiga oo aan dekeda boosaaso ama deked kale soo marin.
Waxa kale oo ay samaynaysaa dekeda laasqoray fursado shaqo oo dadku ka faaiidaystaan intay magaalooyin kale ama wadamo kale shaqo u raadsan lahaayeen.
Maamul markaad leedahay iyo deked caalamku wuu ku ogaanayaa cidna wax laguu soo marin maayo.Shirkadaha iyo wadamaduna way kula soo xidhiidhi waayo hadda Somalia dekeda muqdisho iyo bosaso iyo berbera ayaa laga hadlaa markaa wax la soo dajinayo.Markaa arrintaa waa in xooga la saaro waxii doonaa ha ku baxee.
3- Ciidan- Arrinta 3aad waa in loo sameeyo magaalo kasta ciidan ilaaliya oo suga amaankeeda.Mar hadii maamul la sameeyo ciidan waa in uu jiraa ilaaliya danaha dhulkaaga iyo dadkaaga.Tirada ciidanka ee magaalo kasta maaha in ay ay badato waxa ay noqon kartaa 500-1000 askari.Meesha dhaqaalaha looga helayaa waa in ay noqoto caashuuraha dadka laga gurayo iyo qayb ka mid ah dhaqaalaha ka soo bixi doona dekeda laasqoray iyo qurbajoogta oo iyaguna ka qayb gali doona.
4-In la dhiso iskuulada,wadooyinka,ceelasha biyahaa – In la dhiso wadooyinka isku xidha magaalooyinka. Waa in la dhiso iskuulo soo saara arday dalkooda iyo diintooda iyo dadkooda anfacda bari.In la laga dhiso magaalooynka kale jaamacado waayo Maakhir University oo qudha kuma filnaan karto baahida waxbarasho ee dalka ka jirta ,taasina waxa ay fursad siinaysaa in ardaygu magaaladiisa iskuul iyo jaamacad labadaba ka helo isaga oon u baahan in uu magaalo kale u tago si uu u helo waxbarasho jaamacadeed.
Waa in la dhiso ceelal badan ama nidaam lagu gaadhsiin karo dadka magaalo kasta biyaha iyaga oo aan u baahnayn in ay ka soo baxaan ama ka soo arrooraan xaafadahooda.
5-Cashuur Ururin- In la sameeyo nidaam lagu ururiyo cashuuraha si dalka iyo dadka wax loogu qabto.
6- Ganacsatada- dalku waa in ay ka qayb qaadato horumarinta deegaanka oo ay dalkooda ku sameeyaan maalgashi dhankasta ha ahaatee.Waa in ay sameeyaan fursado shaqo oo dadku ka faaiidaysto.
Haddii 6daa qodob ugu yaraan la helo labada ugu horeya waxaa la helayaa afarta kale oo markaa la samayn karo marka 1 iyo 2 la hel.
Waxa loo baahan yahay waa in nidaam la helo ama barnaamij leh bilow iyo dhamaad ama barnaamij leh ujeedooyin dhow iyo ujeedooyin fog.
Taasi waa aragtidayda ku saabsan sidii looga bixi lahaa jaahwareerka ka jira Maakhir.
Aragtidaada ku aadan maqaalkan ku soo dir
W.Q
Abdullah Adam Abdullah
Sana’a ,Yemen, 00967-733-57-61-52.
Maakhir Media Network
