Nabadoon Xarago”Cadaalad looma Qaybin Deeqdii Turkiga ee waa la musuq maasuqay”
Waxaa maalmahan hadal haynta ugu wayn ay ahaayd puntland sdii ay u qaybisay deeqdii dalka Turkiga uu ugu deeqay dalka Somaaliya waxaan dhaliil xoogle ka imaanayaa Nabadoonada Shacabka iyo dhamaan cidkasa oo sheegatay in ay hawhsani u dhacday si musug maasuqa
Hadaba waxa soo baxaya dhaliilo wasaarada waxbarashada Punland loo jeedinaayo ee ku aadan sida ay u mareysay deeqahaas.
Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari Cabduqaadir Axmad Ibraahim “Xarago” ayaa Warbaahinta kula hadlay Magaalada Bosaso waxa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado qaabka ay Wasaarada Waxbarashada Puntland ay maareysay Deeqihii Waxbarasho ee laga helay Turkiga.
Waxa uu sheegay Nabadoon Xarago Wasaaradu aysan u Cadaalad falin ardaydii kaqaybgashay imtixaankii lagu qabtay Magaalada Garoowe waxa uu hoosta ka xariiqay in ay wax badan la musuq maasuqay.
Waxa kaloo uu mijiyay in hadii ay yihii waxgaradka Gobolka Bari ayasan ku qanacsaneyn qaabka ay Wasaaradu umaamushay Deqaha waxbarasho isagoo tilmaay Nabadoon Xarago Gobolka Bari in uu jiro Gobolo badan oo aan sidii la rabay loo siin deeqaha yimid.
Hadalada ka soo yeedhaya cuqaasha iyo wax garadka Gobolada puntland ayaa sheegaya in ay dhaliil u jeedinayaan wasaarada waxbarashada puntland uu hogaaminayo Juxa kaaso oo la sheegay in aanu si cadaalad ah aanu u qaybin iyadoo la sheegay in Gobol kaliya la siiyay Tiradii ugu badnayd .
Maakhir Media News and Report

