Dawlada China ayaa sheegtay in ay sii badinayso Taagerida dhanka Abaaraha Somaaliya
Bijen-MR-
Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda China Yang Jiech oo ka hadlay kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay kordhin doonto gar-gaar bini’aadanimo ee lasiinayo dadka ay abaartu halakeysay oo ku nool Koofurta iyo bartamaha Soomaliya.
Mr. Yang ayaa waxaa uu sheegay in dowladda China aysan marna indhaha ka laaban doonin wax ka qabashada xaaladaha bini’aadanimo ee ka taagan Soomaaliya iyo geeska Afrika, wuxuuna ballan qaaday in dowladda ay abaarahaasi ku bixin doonto $70-Milyan oo dollar-k Maraykanka oo ay ku jirto $16-Milyan oo gacanta loo galin doono Hay’adda WFP si howlo gar-gaar ugu fuliso dadka ay saameysay abaaraha.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda China ayaa waxaa uu ka codsaday beesha Calamka inay gacan ka gaysato samata bixinta dadka la daala dhacaya abaaraha baahsan oo uu sheegay in marayaan meeshii ugu xumeyd abid.
dhawaan ayaa dowladda China Markab sida gar-gaar bini’aadanimo ay usoo dirtay geeska Afrika, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in dadka gaaraya qiyaastii 13-Milyan oo ku nool dalalka Soomaaliya Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ay haystaan xaalado cuno yari .
Maakhir Media News and Report
