|

Madaxweyne Faroole oo Isku Shaandheyn ku Sameeyey Saraakiisha Ciidanka Puntland (Faahfaahin)

Garowe-MR-
Sida ku cad wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Puntland wuxuu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole isku shaandheyn ku sameeyey saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa asluubta Puntland.
Wareegtadan oo ku taariikheysan 25/09/2011 ayaa lagu xusay in isbedelka lagu sameeyey saraakiisha booliska iyo kuwa asluubta uu ka dambeeyey baahi ka timid dhanka amniga, wallow aysan jirin faahfaahin kale oo ku aadan sababta xilligan ku soo beegtay isbedelkan.
Liiska saraakiisha ayaa u qornaa sidan:-
1) G/sare Maxamed Jaamac Maxamed(Heeryo): Taliye-xigeen Hogaanka Saadka
2) G/le Axmed Yuusuf Muuse: Taliye- xigeen Hogaanka Ciidanka
3) G/sare Axmed Gaani Cali: Taliyaha Qaybta gobolka Bari
4) G/sare Maxamed Cali Xaashi: Taliyaha Saldhiga Dekedda Bosaaso.
5) G/dhexe Faarax Warsame Cabdiraxman:Taliye-xigeen Qaybta Gobolka Nugaal
6) Dhamme Maxamud Cabqaadir Xasan: Taliye-xigeen Qaybta Gobolka Bari
7) G/le Cali Axmed Maxamed: Taliye-xigeen Saldhiga Airpot Bosaso
Dhamme Cabdulqaadir Faarax (Neyroobi): Taliye-xigeen Ciidanka Birmadka
9) G/le Maxamed Warsame Xasan: Laanta Socotada.

Isku shaandheynta uu madaxweyne Faroole ku sameeyey hogaanka ciidamada booliska iyo asluubta ayaa beryahan dambe aad loo hadalhayey iyadoo sidoo kale ay jiraan saraakiil iyo agaasimayaal wasaarado oo la filayo in iyagana dhowaan qaar xilka laga qaado halka qaarkoodna xilal kale loo dhiibi doono, sida ay tibaxaayaan ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Garowe.
Waxayna isku shaandheyntan ku soo beegmaysaa xilli si weyn dadku u hadalhayaan sida xukuumadda Faroole ugu fashilantay wax ka qabashada amniga gudaha Puntland oo la og yahay meesha uu maanta marayo illaa haddana ay dawladu awoodi la’ dahay inay wax cad dadka u sheegto.

Sidoo kale waxaa jira tuhun uu madaxweyne Faroole ka qabo saraakiisha ciidamada qaar ka mid ah oo dhowaan si weyn uga hor yimi weerarkii Puntland ku qaaday xaafada Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo isla markaana dhalisay in saraakiil caan ah ay si bareer ah uga hor yimaadaan mowqifka Madaxweyne Faroole iyadoo durba saraakiishaas qaarkood shaqada laga joojiyey.

Source Raxanreeb
Maakhir Media News and Report

Comments are closed