Mr Banki Moon”Abaaraha Somaliya waxaa ugu wacan Colaada ka tagan Somaliya
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay BanKi Moon ayaa waxa uu sheegay in abaarta haysata dadka Soomaaliyeed ay sabab u tahay xasilooni darada ka taagan dalka mudada 21-sahno ah.
BanKi Moon ayaa waxa uu sheegey inay muhiim tahay in dalka Soomaaliya uu helo nabadii uu lahaa hadii kale waxa uu tilmaamay in shacabka aysan marnaba ka baxayn abaarta haysata, isagoo carabka ku dhuftay in dhibaatooyin bini’aadanimo kuwii ugu xumaa Caalamka ay ka jiraan wadanka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sheegey in hadii gobolada ay Al Shabaab ka taliyaan laga saaro in Caalamka uu awood u yeelan karo in uu badbaadiyo nolosha dad badan oo ku nool gobolada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay inay qarka u saaran yihiin dhimasho.
Mr. BanKi Moon ayaa waxa uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay isugu darsameen dagaalo iyo abaaro mudo dheer soo jiitamayay, isagoo intaa ku daray inay waajib tahay in dalka Soomaaliya uu helo nabad waarta.
Hadalka Mr Banki Moon ayaa noqonay mid inta badan run ah iyadoo ay taasi sabab u tahay dagaalada iyo dhiga ka socda dalka somaaliya iyado ay dad badanina ku dhimanayaan qaarna ka barakacayaan dhulkoodi .
Maakhir Media Network
