|

Diyaaradaha loo yaqano Darownes oo kusoo dhacday Kismaanyo

Diyaaradaha Nooca Basaaska ah ayaa waxaa la sheegay in ay kusoo dhacday magaalada Kismaanyo iyadoo ee gobolka Jubada hoos.

Diyaaradan oo ah nooca Basaaska ayaa la sheegayaa inay kusoo dhacday magaalada Kismaanyo halkaasi oo ay sheegayaan dadka deegaanka in diyaaradani ay ahayd mid ay ku xidhan yihin Cameriyin kuwaasoo ay doonaysay ayay dhaheen in ay sawirto deegaanka alshabab.

iidamo ka tirsan Al Shabaab oo gaaray halka ay diyaarada kusoo dhacday ayaa waxa la sheegay in diyaarada ay qaadeen oo ay geeyeen saldhiga degmada Kismaayo, waxaaana Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta ay sheegeen in diyaaradaani ay tahay diyaaradaha wax basaasa oo badda ay kasoo kacday kadibna ay rasaas ku fureen hase ahaatee Saraakiisha ma aysan sheegin in rasaasta ay haleeshay diyaarada.

Inta badan dhulka somaalida oo ay haystaan Alshabaab ay dulmeeraystaan Diyaaradah Basaaska ee loo yaqaano Darownes kuwaasoo uu leeyahy dalka maraykanka waxaan la sheegayaa in ay diyaaradahaasi  aanay cid wadin.

Maakhir Media Network

Comments are closed