Deeqdii Waxbarasho ee Puntland loogu deeqay oo la musuq maasuqay iyo Sanaag oo aan waxba helin
Garoowe:-Deeqdii Waxbarasho ee la siiyay PL ayaa la Musuq Maasuqay waxana Sad Bursi xoogan la siiyay Gobolada Qaarkood sida Gobolka Madaxwayne Faroole ka soo Jeedo ee Nugaal kaasi oo Imtixaanka lagu qaadayay.
Arday ka mid ah Ardaydii Sanaag oo Imtixaankaasi u Hanqal taagaysa ayaa Waraysi uu na siiyay isaga oo Garoowe Jooga ku sheegay in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka Labaad ee igu balaadhan Gobolada Dalka Somaliya Deeqdaasi laga siiyay Hal Arday oo Kaliya taasi oo ah wax aad looga Naxo.
Imtixaanka ayaa Guud ahaan waxa u Fadhiistay 4000, oo Arday kuwaasi oo Kal kala Yimi Gobolada Dalka Somaliya.
Imtixaankii ka dib ayaa Waxa la shaaciyay Natiijo aad looga Yaabay Guud ahaan dadkii Isha ku Hayay Deeqdaasi Dowlada Turkigu bixisay.
Wasiirka Waxbarashada PL Dr Juxa oo ka soo Jeeda Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in 133- Arday ay ka soo Baxeen Ardaydii Imtixaanka Deeqda u Fadhiistay Sidan Hoos ku Qorana loo kala Helay.
1- Nugaal Gobolka Madaxwayne Faroole 68- Arday buu Helay
2- G.Mudug 53
3-Gobolka Bari oo ah Gobol aad u baaxad wayn Marka loo eego Nugaal iyo Gobolada Kale Waxa la Siiyay 5-Arday
4-Gobolka Sanaag Wax la siiyay 1-Arday
5- Gobolka Kar-kaar Waxa la Siiyay 3-Arday
6- Gobolka Cayn oo lagu Ladhay Sool 3-
Fadeexadaasi ayaa ah Mid aan Qarsoonayn waxana loo Malaynayaa in Wasiirka Waxbarashada oo ay Madaxwayne Faroole Isku Qoys Hoose yihiin ay isla Ogyihiin Masiibada qaran ee ay Maanta ka sameeyeen Gudaha Maamulka Puntland.
Guud ahaan Gobolada Bari iyo Sanaag oo ah Laba Gobol oo aad u Baaxad Waa Wayn ayaa la Filayaa in Maalmaha soo socda looga dhawaaqo Shaqo Joojin iyo Mudaharaad Baahsan oo ay Shucuurtooda ku Muujinayaan Dadka Goboladaasi sida ay uga xun yihiin Musuq Maasuqa Baahsan ee ay ku Kaceen Madaxwaynaha PL iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.
Waxaa taa kasii daran nasiib xumada haysata Masuuliyinta kasoo jeeda deegaanka Gobolka sanaag iyadoo aanay meesha waxba ku hayn taasina ay ugu wacantahay awood buuxda oo aanay ku hayn meesh taasina keentay in laga dulqaado deeqdii dadkooda loogu deeqay ,dadkuna waxay isla dhex marayaan ma lacag ayaa jeebka loogu shubay mise waa laga awood badan yahy mise waanay warb u hayn hawsha deegaanka.
Gobolka Bari oo ay kumanan qof ay ku nool yihiin ayaa isna loogu qeeqay 5 qof taasi oo keentay dhibaato aad ay u falan qeyaan dadka bosaso ku nool iyadoo ay Faroole ku tilmaameen inuu meel mariyay dadki kasoo jeeday Gobolka Nugaal iyo qoyskiisa ,Wasiirka Waxbarashada oo isna halkaasi kasoo jeeda ayaan haba yaraatee is oron dad ayaad masuul ka tahee ha raacin Faroole ayaa isna ku talaabsaday dariiqi Farole.
Maaha markii ugu Horaysay oo ay Maamulka Puntland uu saa sameeyo iyadoo aanay deqaha waxbarasho iy waxqabad yada soo gaadhsiin Gobolka Sanaag oo ah dhul baaxad wayn oo ay dad badani ku nool yihiin.
Waxaa wada diyaariyay Galgalanews+Maakhir Media
Maakhir Media Network
