Qarax ayaa ka dhacay xarunta QM ay ku ledahay Muqdisho
Qarax miino oo ahaa mid aad u xooggan ayaa galabta waxa uu ka dhacay Xarunta Hay’adda Mine Action oo hoostagta Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Qaraxa oo ka dhacay Xarunta Hay’adda miina baarista ee Qaramada Midoobay ee nawaaxiga Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Darawalada u shaqeeya Hay’adaasi ahna Askari ka tirsan ciidamada booliska kaasi oo lagu magacaabayay Mustaf Max’ed Da’uud.
Shaqaale ka tirsan Hay’adda Mine Action ee miina baarista ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino Hay’adda ay kasoo saartay xarunta Kumaanda buluusiya ee magaalada Muqdisho taasi oo ay sheegeen in la keenay mid ka mid ah Xarumaha Hay’adda ay ku leedahay magaalada Muqdisho, iyagoo intaasi ku daray in miinada ay qaraxday kadib markii miinada laga soo dajiyay gaari rooneed ah oo ay saarneed, waxaana bur bur uu soo gaaray gaariga iyo sidoo kale qeyb ka mid ah dhsimaha Hay’adda.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Dowladda, kuwa nabada sugida iyo laamaha kale ee amaanka dowladda, waxaana ilaa hada aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta Hay’adda iyo Saraakiisha dowladda, iyadoo xiriiro aan la samaynay ay ka gaabsadeen inay arintaasi wax faah faahin ah ka bixiyaan.
Maakhir Media Network
