|

QM iyo Midowga Afrika”Waa in la afjaraa Colaada Somaliya Hadhaysay

Kulan ay si gaar ah u qaateen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Jean Ping oo ah Madaxa arrimaha nabadda iyo amaanka ee Ururka Midowga Afrika oo ka qeyb galay kulanka guud ee QM ayaa waxa ay si wada jir ah uga hadleen sida ay suuro gal u noqon karto in si fudud gabi ahaamba Soomaaliya looga saaro Al Shabaab.

Ban Ki-moon ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in Ururka Midowga Afrika Ciidamada ka harsan ee la doonayo in lagu biiriyo kuwa AMISOM ee iminka ku sugan Magaalada Muqdisho la de dejiyo si ay u gaaraan Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyin ay ka jiraan gobolada qaar ee wadamada Afrika oo uu ka xusay inay ka mid yihiin wadamada sida gaarka ah ay dhibaatooyinka ugu jiraan sida Soomaaliya, Liibiya, Suudan iyo Koofurta Suudan oo u tilmaamay in dhibaatooyin adag ay ka taagan yihiin balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in midda Soomaaliya ay tahay tan ugu qatarsan ee loo baahanyahay in wax laga qabto.

Jean Ping ayaa waxaa uu sheegay in Midowga Afrika u jeedkiisa uu yahay sidii uu Nabad ugu soo dabaali lahaa Soomaaliya islamarkaana haatan la dhihi karo Magaalada Muqdisho 98% waxaa gacanta ku haya Ciidamada Midowga Afrika AMISOM howlaha gar-gaarka bini’aadanimona uu yahay mid si habsimi leh uga socda Magaalada Muqdisho.

Kadib kulan koodii waxay isku soo afgarteen in si aada looga shaqeeyo wada jirka iyo ka shaqaynta amaanka iyo abaarta dabada dheeraatay ee sababtay somaliya iyadoo u ku celceliyay Jen Ping in laga maar maantahay inay somaliya ka baxdo colaadaha

Maakhir Media Network

Comments are closed