|

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka OMAN, Germany iyo UK.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo beryihii udanbeeyey ku sugnaa magaalada New York halkaas oo uu kaga qayb gelayo shirka guud ee Qaramada midoobey ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Cummaan.

Labada Mas’uul ayaa ugu horayntii ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal , waxaana intaas kadib Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu wasiirka arimaha dibadda ee dalka Cummaan uga warbixiyey xaalada dalka , iyo horumarka ay DKG ahi ka gaartay dhanka arimaha amniga , gargaarka bini aadminimo iyo siyaasadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Cummaan ayaa sheegay in dadka reer Cumman iyo dowladooduba ay aad uga welwel sanyihiin dhibaatada abaarahu ay keeneen ee ka jirta Soomaaliya , wuxuuna balan qaaday inay diyaar u yihiin in wixii ay karaan ay ku caawin doonaan shacabka soomaaliyeed ee tabaalaysan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo mudooyinkii u danbeeyey xooga saarayey xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka Caalamka , ayaa sidoo kulamo gooni gooni ah la qaatay Wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika , Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jarmalka iyo madax kale oo tira badan kuwaas oo dhamaantood uu kala hadlay habka ugu fudu ee Soomaaliya looga taageeri karo dhinacyada Amniga , iyo garkaarka bini aadmino si xaalada murugsan ee dalku uu hadda ku jiro wax looga bedelo.

Source: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
Maakhir Media Network

Comments are closed