|

Imtixaan loogu tartamayo deeqo waxbarasho oo Garoowe lagu soo gaba gabeeyey

Garowe-MMR-

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo gaba gabeeyey Imtixaan beriyihii u danbeeyey ka socdey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo kaas oo ah mid loogu tartamayo deeqo waxbarasho oo ay dowlada Turkigu ugu deeqday Ardayda reer Puntland.

Imtixaankan ayaa intii uu socdey waxaa u fariisteen Arday tiradoodu 4,000 oo arday ku dhowdahay kuwaas oo u kala tartamaya inay dalka Turkiga ka helaan deeqo waxbarasho oo isugu jira waxbarasho Jaamacadeed iyo mid Dugsi sare.

Munaasabadii Imtixaankaasi lagu soo gaba gabeynayey oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose , Wasiirka beeraha , Wasiir ku xigeenka Maaliyadda , Wasiiru dowalaha maamul wanaaga Puntland , Xildhibaano ,waalidiin , iyo kooxo fanaanin ah.

Waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay Wasiirka wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida fiican ee uu Intixaankaasi kusoo gabagaboobay , wuxuuna mahad balaaran u jeediyey dhamaanba marti sharaftii munaasabada Intaxaankaasi lagu soo xirayey ka soo qayb galay , iyo weliba dowlada Turkiga oo uu ku tilmaamay inay tahay dowlad jecel horumarka iyo wanaaga ummadda Soomaaliyeed.

Cabdi Faarax Juxa ayaa sidoo kale sheegay in intixaankaasi uu yahay mid ka madax banaan Wasaarada waxbarashada sixitaankiisuna uu yahay mid u gaar ah guddiga gaarka ah ee ay dowlada Turkigu howshaasi u xil saaratay , wuxuuna sidoo kale xusay in xiligan lagu guda jiro sixidda intaxaanadii la qaaday natiijadana caawa lagu dhawaaqi doono.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey oo ay dowlada Turkigu deeq waxbarasho siiso ardayda Somaaliyeed ee ka kala baxay dugsiyada Sare iyo kuwa H/dhexe , waxaana intixaankan si siman looga qaaday ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Puntland,Somaliland,gobolada dhexe, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Horseed

Maakhir Media Network

Comments are closed