Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Kormeer ku soo maray Wadooyinka iyo Huteelada Hargeysa+Sawiro
Hargaysa(MMedia) Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa markii sadexaad kormeer ku soo maray qaar ka mid ah meheradaha waaweyn ee laga dukaansado iyo shaaricyada caasimada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu booqday Huteelka ku yaala bariga magaalada ee KAAH wax yar ka hor xiligii salaada makhrib, waxaanu soo kormeeray qeybta leexooyinka ee carruurtu ku ciyaaarto ee Huteelkaasi, ka dibna waxa uu Salaadii Makhrib kula tukaday Masaajidka Huteelka dadkii ku sugnaa halkaasi.
Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa Huteelka KAAH waxa uu xogwaraysanayay dadweynaha ku sugnaa halkaasi oo uu la sheekaystay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo watay baabuur gaar ah isla markaana aan wadan wax ilaalo ah waxa uu soo dhex maray jidka weyn ee dhex mara badhtamaha magaalada Hargeysa waxaanu sii maray suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu u gudbay dhinaca Huteelka iyo Dukaanka weyn ee Star ee ku yaala degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo la sheegay inuu ka dukaansaday oo uu ka iibsaday alaabooyin kala duwan.
Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland uu soo maray Dukaanka weyn ee Edna Cosmatics ee ku yaala degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa. Ka dibna waxa uu ku soo laabtay xurunta madaxtooyada Somaliland.
Kormeerkani waxa uu salka ku hayaa qiimayn uu madaxweynuhu ku samaynayo ammaanka magaalada caasimadda Hargeysa. Waa markii sadexaad ee Madaxweynuhu sameeyo kormeer noocan oo kale ah.
Madaxweynaha waxa kormeerkiisan ku weheliyay Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, hase yeeshee markii uu madaxweynuhu tagay Huteelka KAAH waxa ka soo raaacay Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) iyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire).
Maakhir Media Hargaysa
